Saturday, October 14, 2017

Accused Lindhout kidnapper admitted receiving $10,000 of ransom: RCMP officer

Friday October 13, 2017


Ali Omar Ader is shown in court in a 2015 artist's sketch. (Greg Banning/The Canadian Press)


OTTAWA -- An undercover Mountie says Ali Omar Ader admitted receiving $10,000 in ransom money for his role in the kidnapping of Amanda Lindhout in Somalia.
The RCMP officer, who cannot be legally identified, is telling an Ontario court today about how he posed as a businessman to gain Ader's confidence and promise him a book-publishing contract.
Lindhout was a freelance journalist from Red Deer, Alta., when she and Australian photographer Nigel Brennan were grabbed by masked men near Mogadishu in August 2008 while working on a story.
Ader, a 40-year-old Somalian national, has pleaded not guilty in Ontario Superior Court to a criminal charge of hostage-taking.
The RCMP officer says he first made contact with Ader by telephone in June 2010, seven months after Lindhout and Brennan were freed.
The officer tells of meeting with Ader on the island of Mauritius and again in Ottawa, where he was arrested and charged in June 2015.

Ciidamada Soomaaliland oo qabtay dad lagu tuhusan yahay in ay gadiid gubeen

Sabti, Octobar,14, 2017 (HOL)- Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare, Faysal Xiis Cilmi, ayaa shaaciyay inay sagaal eedaysane ay u hayaan afar bas oo dhawaan lagu gubay magaalada Hargeysa oo la garan waayey cid gubtay, iyadoo gubanaya uun la arkay.
Ciidamada booliska ayaa baadhitaan ku waday cidda ka dambaysay inay Basaskaasi rakaabka qaada loo gubay, waxaanay sheegtay in sagaal qof loo xidhay Basaaskaasi la gubay.
Afhayeenka ciidanka boolisku wuxuu caddeeyay in eedaysanayeyaasha qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo dambiga loo haysto gacanta kula jira.
“Beryahan danbe waxaad la socoteen in gaadiidka dadweynuhu ay raacaan ee basaska la gubay, falkan oo ah mid ugub ku ah Somaliland, taliska ciidanka boolisku wuxuu amar adag ku bixiyay in dadkii falkan gubista gaadiidka geystay si adag loo baadho. Nasiib wanaag ciidammada boolisku waxay xalay gacanta ku soo dhigeen sagaal eedeysane oo qaarkood lagu hayo iyaga oo gaadiidkii gubaya, gacantana ku sita qalabkii ay u adeegsanayeen gubista gaadiidka dabkiina ku qabtay ayay ciidammada boolisku gacanta ku soo dhigeen faahfaahinta baadhitaanka kiiskanna ka hor dhici maayo,”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis.
Waxa kaloo uu intaas ku daray ; “Waxaanu bulshada u sheegaynaa in ciddii falalka noocaasi ah lagu soo qabtay in ciqaab aad u culus la marin doono, oo aanay boolisku marnaba u dulqaadan doonin. waayo waa dad duulan ku ah ganacsiga iyo nabadgelyadaba.”
“Bulshada Somaliland waxaan leeyahay sidii aad awalba noola shaqeyneyseen noola shaqeeya. Waxaan mahad aad u ballaadhan ayaanu idiin haynaa ciidan ahaan, waxaa loo baahan yahay in wixii falalka noocan oo kale ah sameynaya aad gacan nagu siisaan sidii gacanta loogu qaban lahaa. ciidanka booliska Somaliland-na meel kasta oo uu joogo waxa uu heegan ugu jiraa sugida amniga.”
Dhowaan bay ahayd markii dhawr Bas oo dabqabsaday la arkay iyadoo la garan waayey cid gubtay iyo sabab loo gubay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.

Friday, October 13, 2017

Mr Odinga had been denied a visa to travel to the United States


Friday October 13, 2017
A State Department official said on Thursday that the United States respects but regrets Nasa leader Raila Odinga's announced intention to withdraw from the scheduled October 26 presidential election.

Responding to a Nation query, the official also said Mr Odinga is welcome to visit the US.
Sections of the Kenya media reported earlier this week that Mr Odinga had been denied a visa to travel to the United States. That claim was attributed in those reports to State House Director of Digital Communications Dennis Itumbi.

Asked whether Mr Odinga had been blocked from visiting, the State Department official said, “It is our understanding that nothing prevents Raila Odinga from getting on a plane and flying to the United States.”

Mr Odinga is in London, where he is expected to give an address on Friday at Chatham House, Royal Institute of International Affairs.
In its email message to the Nation, the State Department reiterated that the US does “not back any part or candidate” in Kenya.
“We remain committed to supporting a free, fair and credible election that is consistent with Kenya's Constitution, current laws, and institutions,” the official said.

“We respect the right of Nasa presidential candidate Raila Odinga and deputy presidential candidate Stephen Kalonzo Musyoka to withdraw from the Kenyan election scheduled for October 26, but we regret their decision to do so,” the official added.

Thursday, October 12, 2017

SHIRKA KISMAAYO SIDAN KAMAAN SUGEYNIN!

W.Q. Suxufi: Cabdulqaadir M. Walaalyo
Suxufi: Cabdulqaadir Maxamed Walaayo
Shirka Kismayo ee maamulka goboleedyada, ma sidaan mooday waxa ka soo bixi karay mise sida ay wax noqdeen uu shirku ku soo gabagaboobay:
Waxaan mooday in looga hadli doono dib-u-dhiska gobollada ay kuwa meesha ku shiray sheegtaan inay iyagu ka wakiil yihiin. Waxaase ka soo baxay wax caksi ku ah fekerka aan qabay.
Dawladda Federaalka ayey ku heystaan maamulka dalka waxayna u muuqanayaan dawla-dawla ka dhex dhisan ''State within State''. Taas waxay gebi ahaanba ka soo horjeeda rajadi ummaddu ka qabtay dib-u-soo celinta karaamada ummadda walaalaha ah.
Shirka kuwa ka qayb galay kuma jiro midkooda oo kalsooni buuxda ka heysta umadda gay sheegtaan inay iyagu wakiil ka yihiin mana soo kormeeri karaan xaaladaha ay ku nool yihiin dadka ay afduubka ku heystaan. Ma sugi karaan amaanka dadkooda. Kuma jiro mid heysta kalsoonida shacabka ku dhaqan gobollada.
Waxaa taas laga garan kara dareenka shacabka isugu jiro odayaasha dhaqanka sida Isimada, culimada diinta, bulshada madaniga (civil society), siyaasiyiinta heer federaal iyo heer gobol oo qaybahaas dhamaan waxay ka qaylinayaan maamul-xumida ay gobollada ku wadaan. Waxay cadeysteen si aan xishood lahayn inay gobollada u heystaan mididin ay ku qaraabtaan oo ay danahooda ugu foof tagaan.
Bacdama ay jiraan wakiilo ay ku leeyihiin Xukuumada Dhexe iyo Barlamaanka Federaalka labadiisa aqal - kan sare iyo kan hoose, kuwa Kismaayo ku shiray haddii ay jiraan waxay tabanayaan waxay codkooda u soo marin waayeen tabashadooda haddiiba ay wax macuul ah jiraan. Waxaa la mooda inay fulinayaan awaamiirta gumeysiga soo faray inay ka dhex qunsadaan gobollada.
Waxaa habooneyd inay waqti ku bixiyaan dib-u-dhiska iyo kabashada dalka sidii dib loogu kicin laha mashariicda horumarinta ee jubbooyinka ee burburay sida tusaale: Biyo xireenka Fanoole, Mugambe Irrigation project, Warshada Hilibka ee Kismaayo, Warshada Caaga iyo Kartoonka ee Jilib, mashruuca horumarinta dooxada Jubba oo isugu jiray beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga.
Waxaa laga rabay inay ka wada hadlaan horumarinta wax soo saarka ee Shabeelayaasha ee leh beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga sida Warshadda Sonkorta ee Jowhar, SNAI Biyaasa, Warshada suufka iyo dharka ee Balcad, warshada biyaha Salus ee Baraawe, Warshadda kabaha derey, Mashuurca Bariiska ee Baaraweyne iyo kuwo kale.
Koonfur Galbeed waxaa laga rabay in shirka ka soo jeediyaan sidii dib loogu dhisi lahaa mashruuca tijaabada Beeraha ee Boonkay, horumarinta wax soo saarka dalagga beeraha, saayactirka wadada bacaadku gooyay ee agagaarka shalaamboot iyo Marko, dib-u-furista Dekedda Marka, Warshadii qudaarta ee ITOP ee Afgooye.
Shirka KIsmayo waxaa laga rabay in lagaga wada hadlo ka hortagga aafgooyinka dabiiciga sida fatahadaha soo noqnoqda ee Webiga Shabeelle. Wakiilka Puntaland waxaa looga baahna inuu shirka ka soo jeediyo kheyraadka macadanta, xoolaha, kalluumeysiga, mashruuca Timirta ee Bari yo beeraha, dhowrista taariikhda qadiimka ee Bandar Qaasim oo la rabay in Hay'adda UNESCO ay ku darto diiwaanka lagu ilaaliyo laguna keydiyo taariikhaha hore ee addunyada ''National Heritage''. Bosaaso oo taarikh hore loo yiqiin Bandar Qaasim hadda burbur ayaa ku soo socdo agagaarka Dekedda iyo tayeynta iyo horumarinta awooda aadanaha (human resource).
Shirka Kismaayo jidka toosan waa hareer maray waxaana taas hore u saadaaliyay Mudane Cbdixakiim Xaaji Cumar Camey Madaxweyne-ku-xogeenka Puntland oo talo ku soo jeediyay in shirkaas la baajiyo amase si toos ah xukuumada dhexe shir caasimada ay kula yeeshaan.
Prof. AbdiWeli Mohamed Cali Gaas, Shariif Hassan Sheikh Aden, Ahmed Mohamed Islaam, Ahmed Ducaale Ghelle Xaaf iyo Maxamed Abdi Waare ummadda Soomaalida oo dhibka ka soo daashay fadlan dhib kale oo hor leh ha u celina haddii aadnan u shaqeyn karina.
Allow Soomaali adiga u maqan!

Sunday, October 8, 2017