W.Q. Suxufi: Cabdulqaadir M. Walaalyo |
Suxufi: Cabdulqaadir Maxamed Walaayo |
Shirka Kismayo ee maamulka goboleedyada, ma sidaan mooday waxa ka soo bixi karay mise sida ay wax noqdeen uu shirku ku soo gabagaboobay:
Waxaan mooday in looga hadli doono dib-u-dhiska gobollada ay kuwa meesha ku shiray sheegtaan inay iyagu ka wakiil yihiin. Waxaase ka soo baxay wax caksi ku ah fekerka aan qabay.
Dawladda Federaalka ayey ku heystaan maamulka dalka waxayna u muuqanayaan dawla-dawla ka dhex dhisan ''State within State''. Taas waxay gebi ahaanba ka soo horjeeda rajadi ummaddu ka qabtay dib-u-soo celinta karaamada ummadda walaalaha ah.
Shirka kuwa ka qayb galay kuma jiro midkooda oo kalsooni buuxda ka heysta umadda gay sheegtaan inay iyagu wakiil ka yihiin mana soo kormeeri karaan xaaladaha ay ku nool yihiin dadka ay afduubka ku heystaan. Ma sugi karaan amaanka dadkooda. Kuma jiro mid heysta kalsoonida shacabka ku dhaqan gobollada.
Waxaa taas laga garan kara dareenka shacabka isugu jiro odayaasha dhaqanka sida Isimada, culimada diinta, bulshada madaniga (civil society), siyaasiyiinta heer federaal iyo heer gobol oo qaybahaas dhamaan waxay ka qaylinayaan maamul-xumida ay gobollada ku wadaan. Waxay cadeysteen si aan xishood lahayn inay gobollada u heystaan mididin ay ku qaraabtaan oo ay danahooda ugu foof tagaan.
Bacdama ay jiraan wakiilo ay ku leeyihiin Xukuumada Dhexe iyo Barlamaanka Federaalka labadiisa aqal - kan sare iyo kan hoose, kuwa Kismaayo ku shiray haddii ay jiraan waxay tabanayaan waxay codkooda u soo marin waayeen tabashadooda haddiiba ay wax macuul ah jiraan. Waxaa la mooda inay fulinayaan awaamiirta gumeysiga soo faray inay ka dhex qunsadaan gobollada.
Waxaa habooneyd inay waqti ku bixiyaan dib-u-dhiska iyo kabashada dalka sidii dib loogu kicin laha mashariicda horumarinta ee jubbooyinka ee burburay sida tusaale: Biyo xireenka Fanoole, Mugambe Irrigation project, Warshada Hilibka ee Kismaayo, Warshada Caaga iyo Kartoonka ee Jilib, mashruuca horumarinta dooxada Jubba oo isugu jiray beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga.
Waxaa laga rabay inay ka wada hadlaan horumarinta wax soo saarka ee Shabeelayaasha ee leh beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga sida Warshadda Sonkorta ee Jowhar, SNAI Biyaasa, Warshada suufka iyo dharka ee Balcad, warshada biyaha Salus ee Baraawe, Warshadda kabaha derey, Mashuurca Bariiska ee Baaraweyne iyo kuwo kale.
Koonfur Galbeed waxaa laga rabay in shirka ka soo jeediyaan sidii dib loogu dhisi lahaa mashruuca tijaabada Beeraha ee Boonkay, horumarinta wax soo saarka dalagga beeraha, saayactirka wadada bacaadku gooyay ee agagaarka shalaamboot iyo Marko, dib-u-furista Dekedda Marka, Warshadii qudaarta ee ITOP ee Afgooye.
Shirka KIsmayo waxaa laga rabay in lagaga wada hadlo ka hortagga aafgooyinka dabiiciga sida fatahadaha soo noqnoqda ee Webiga Shabeelle. Wakiilka Puntaland waxaa looga baahna inuu shirka ka soo jeediyo kheyraadka macadanta, xoolaha, kalluumeysiga, mashruuca Timirta ee Bari yo beeraha, dhowrista taariikhda qadiimka ee Bandar Qaasim oo la rabay in Hay'adda UNESCO ay ku darto diiwaanka lagu ilaaliyo laguna keydiyo taariikhaha hore ee addunyada ''National Heritage''. Bosaaso oo taarikh hore loo yiqiin Bandar Qaasim hadda burbur ayaa ku soo socdo agagaarka Dekedda iyo tayeynta iyo horumarinta awooda aadanaha (human resource).
Shirka Kismaayo jidka toosan waa hareer maray waxaana taas hore u saadaaliyay Mudane Cbdixakiim Xaaji Cumar Camey Madaxweyne-ku-xogeenka Puntland oo talo ku soo jeediyay in shirkaas la baajiyo amase si toos ah xukuumada dhexe shir caasimada ay kula yeeshaan.
Prof. AbdiWeli Mohamed Cali Gaas, Shariif Hassan Sheikh Aden, Ahmed Mohamed Islaam, Ahmed Ducaale Ghelle Xaaf iyo Maxamed Abdi Waare ummadda Soomaalida oo dhibka ka soo daashay fadlan dhib kale oo hor leh ha u celina haddii aadnan u shaqeyn karina.
Allow Soomaali adiga u maqan!
No comments:
Post a Comment