Wednesday, October 4, 2017

Xildhibaannada Galmudug oo kula qeybsamay go’aankii ka soo baxay maxkamada sare ee maamulka

Arbaco, October, 04, 2017 (HOL) - Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku kala aragti duwan go’aankii maxkamadda sare ay ku ansixisay dhammaanba xil ka qaadistii madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka in ay yihiin kuwo sharci ah.
Duraan Jaamac oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug lana hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu sax ahaa go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Galmudug, ee ay ku taageertay xilka qaadistii (Xaaf), balse ay muhiim tahay in dib loo eego tan madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
''Waan soo dhaweyneynaa go'aanka ka soo baxay maxkamada sare ee madaxweyne Xaaf xilka uga qaaday, laakiin arrinta madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka sharci ahaan in loo fiiriyo ayay rabtaa.”ayuu yiri xildhibaan Duraan Jaamac.
Laakiin dhinaca kale waxaa jira xildhibaano soo dhaweynaya go’aanka maxkmada sare una arka dhamaanba mas’uuliyiinta sare maamulka Galmudug sidaa ay ku wayeen xilalkii hayeen.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada Galmudug oo la xiriira go’aanka ay ka qaadatay maxkamada sare.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment