Monday, October 2, 2017

Cabdiwali Gaas oo ka hadlay khilaafka Galmudug iyo shirka Kismaayo

Isniin, October, 02, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siyay Idaacada VOA ayaa soo hadal qaaday khilaafka dhax taagan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Galmudug iyo shirka magaalada Kismaayo.
“Arrintan Galmudug, sida hadda loo maareeynayo si ka duwan in loo maareeyo ayeey aheyd, dadka la isku soo dhoweeyo, waa maamul cusub oo in uu dhismo la rabo, in aan shiddo laga abuurin, laakiin waxaa moodaa si aan ka fiirsi laheyn loogu deg degay”ayuu yiri C/wali Gaas.
Cabdiwali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in loo madax banaaneeyo in dhexdooda heshiiyaan oo si nabagelyo ku jirto ku dhameystaan howshooda.
Mar uu ka hadlayy shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland ee ka dhacaya Kismaayo waxaa u sheegay madaxweyne Gaas in shirkaas looga tashanayo waxa ay wadaagaan maamul goboleedyada, iyo waxa ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka.
C/wali Gaas ayaa sheegay in iyaga oo ah dowlad goboleedyada aysan ka hor-jeedin dowladda Federaalka, waxaa uu xusay in wixii dowladda ku wanaagsan tahay lagu taageero, wixii ay ku qaldan tahay in la tilmaamo oo si wanaagsan dalka loogu shaqeeyo, arrimaha masiirka dalka wax la iska weydiiyo.
Maamulka Puntland ayaa qeyb ka ah maamulada dalka ee ku dhawaaqay go’aanka ka dhanka ah kan ay dowladda ka qaadatay khilaafka wadamada Carabta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment