Thursday, October 19, 2017

BASARKA KIREYNTA DEKADAHA MAXAY SALKA KU HAYAAN?

      Maamul-goboleedyadu waxay raaceen raadadkii awoowayaashood

Sanadkii 1875-kii, Masaarida waxay isku fidiyeen Berbera iyo Harar waxaana ay maamulkooda ku sii ballaariyeen Baraawe iyo Kismaayo.

Tan iyo markii uu Ingiriisku qabsaday Cadan 1839-kii wuxuu bilaabay habkii uu ku qabsan lahaa dalka Soomaaliyeed.

Sannadkii 1883-dii wuxuu Ingiriisku awood u yeeshay inuu la wareego dekedaha Zaylac iyo Berbera kaddib markii maamulkii Masaarida lagu qasbay inay ka baxaan gayigaas.
Sanadkii 1869-kii, Talyaanigu wuxuu soo iibsaday dekedda Assab waxana uu bilaabay heshiisyo taxane ah inuu la galo shakhsiyaad Soomaaliyeed iyo madaxdii qabaailka si lacag loogaga beddesho dekadahooda.

Sanadkii 1889kii waxaa la kireeyay dekadda Kismaayo, Sanadkii 1892-kiina waxaa la kireeyay dekadda Muqdishow,  kaddibna wuxuu ku dhawaaqay Taliyaanigu inuu yahay ilaaliyaha koonfurta Soomaaliya 1896-kii, sidaasna waxaa lagu galay isticmaarkii.

Markii haddaba aynu dib u milicsanno taariikhda isticmaarka iyo basarkii lagu soo galay sina ugama beddelna midda maanta dhacaysa oo ah kireynta dekadaha dhulka Soomaalida. Madaxda maamullada gobolladana wax ay og yihiin bay iska indhotirayaan iyagoo ku beddelanaya wax yaroo iyaga jeebkooda uun ku filan. Intii ay albaabbada u furi lahaayeen gumeysi dadban oo ummaddanna ay markti uga dhigi lahaayeen dal iyo hanti ay iyagu leeyihiin iney ummaddan iska sii gaajooto intii Alle uu faraj kale uga furi doono.


Waxaa hubaal ah oo aan cidina is weydiineyn heshiisyo la galay 30meeyo sano inayan gaajada, saxariirta iyo amnidarraida ka bi`ineyn. Taariikhda ha la akhriyo si loo kala garto wixii shalay la soo maray xume iyo samo.

Dekaddii Zaylac

Dekaddii Hurdiyo
Dekaddii hore ee Muqdisho
Dekaddii hore ee Berbera

No comments:

Post a Comment