Sunday, October 1, 2017

Duufaanihii xilka ka-qaadista oo ku soo wajahan Madaxweyne Shariif Xasan


Oktobar 1, 2014














































Xildhibaanno aad u badan, oo katirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada Mooshinka Kalsooni kala noqosho ah, oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu socdo Mooshin aad u xoog badan, oo baabulkiisa uu ka socda meelo kala duwan, oo Muqdisho ay kamid tahay, kaasi oo ku dhawaad 82 Xildhibaan ay saxiixeen.
Waxaa sii kordhaya Xildhibaanada kusoo biiraya Mooshinkan xilka qaadista Shariif Xasan, oo qaarkood hadda ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Macluumaad hoose oo aan ka helnay Illo Xog-Ogaal ah iyo Xildhibaanno ayaa sheegaya in  90% Xildhibaanada Koonfur Galbeed inay aad uga soo horjeedaan Shariif Xasan, oo ay ku eedeeyeen inuu jebiyay Dastuurka iyo inuu afgenbiyay Masiirka Ummada Reer Koonfur Galbeed.
Xildhibaanno ku sugan Baydhabo, oo ka gaabsaday inaan magacyadooda shaacino, ayaa xaqiijiyay inay jiraan Tiro xildhibaano oo loogu hanjabay in xilalka laga qaadayo inuu ay ku biiraan mooshinka,
Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 149 Xildhibaan, ayaa in ka badan 67 mudane waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka kuwa kalena ay dalka ka maqan yihiin, kuwaasi oo dhamaantood taageersan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo maalin kahor kasoo laabtey dalka dibadiisa, ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana la filayaa in gacan loo geliyo Mooshinka cusub.
Mooshinka ayaa la filayaa in Xildhibaanada uga doodaan shir ay dhawaan ku yeelanayaan degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose, oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wararka sidoo kale aan helayo waxay sheegayaan in Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed, ay doonayaan inay is-casilaan marka uu kullaado Mooshinka socda, kaasi oo rajo weyn laga qabo inuu guuleysanayo.
Waxyaabanaha keenay in Mooshin laga keeno Shariif Xasan;
Amni darrada, ma jirto magaalo u gudbi karta magaalo kale deegaanada Koonfur Galbeed, waxaa go’doomin ku haysa Al shabaab mudo ku dhaw 4 sano.
Dagaalka Sokeeye ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo xil maamulkiisa u waayay, kaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay nolosha dadka gobolkaasi, oo ah midka ugu soo wax-saarka fiican gobollada Koonfur Galneed.
Fashil dhinaca Dhismaha Ciidanka maamulka, waxaa jiray in ka badan 4,000 Askari oo loo tababaray, loona qalabeeyay Koonfur Galbeed, kuwaasi oo hadda mushaar la’aan ukala tagay.
Afgenbi Siyaasadeed – La tashi iyoo wadashaqeyn la’aan Hay’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta
Jebinta qodobo kamid ah Dastuurka, sida inuu 54 Xildhibaano uu ku daray Baarlamaanka oo Xeerka uu dhigayo in uu ka koobnaado 95 Xildhibaan, waxaano uu hadda yahay 149.
Afduubka nidaamkii Awood qeybsiga, Beelo badan ayaa Doorashadii Xildhibaannada ku waayay inay helaan saamigii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo midka Faderaalka, kadib markii Shariif Xasan uu keensaday rag isaga u adeegga.
Waxyaabaha kale ee mooshinka soo dedejiyayy waxaa kamid ah Inuu qaatey go’aan kaligiisa oo uu ku taageeray Xulufada Sacuudiga, isagoo hareermaray Dastuurka Koonfur Galbeed iyo mid Federaalka.
Qodobka 54aad ee Dastuurka Federaalka wuxuu dhigayaa in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay leedahay awoodda go’aan qaadashada Arrimaha Dibadda, Difaaca dalka, Jinsiyadda iyo Socdaalka, Siyaasadda iyo Lacagta.
Dhanka kale, Hay’adda Badbaadada Koonfur Galbeed, ayaa dhawaan soo saartey Liiska dheer oo ay ku qoran yihiin dhibaatooyinka ka taagan Koonfur Galbeed iyo waxyaabaha uu ku fashilmay maamulka Shariif Xasan.
Sheekh Mukhtaar Roobow oo laga yaabo inuu bedelo Shariif Xasan;
Xildhibaano, Siyaasiyiin, Waxgarad, Ganacsato, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, ayaa ka codsaday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur inuu bedelo Shariif Xasan, markii xilka laga qaado.
Lama oga inuu Roobow aqbali doono Codsigan iyo in kale, balse dadka ku dhaw Wadaadka ayaa sheegaya in suurtgal tahay inuu qaato go’aankan. Shariif Xasan ayaa aad uga cabsi qaba Mukhtaar Roonow inuu saameyn ku yeesho Kursigiisa, hadii uu Siyaasadda soo galo.
Mukhtaar Roobow, oo hadda wadahadal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan gaari magaalada Baydhabo, iyadoo socdaalkiisa uu la xiriiro arrimo badan oo dhanka Siyaasadda ku qotoma.
Isha: GO

No comments:

Post a Comment