Monday, June 5, 2017

Madaxweeyne Farmaajo oo Kismaayo ku wajahan iyo wafdi hordhac ah oo gaaray magaalada

Isniin, June, 05, 2017 (HOL)- Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max'ed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah uu soo gaaro magaalada Kismaayo, ayadoo ay maanta magaalada yimaadeen xubno ka tirsan protocolka Madaxweeynaha iyo weliba ilaaladiisa gaarka ah.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa u diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta madaxweeynaha, ayadoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay isu diyaarinayaan in ay Madaxweeynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyaan Kismaayo.

Waxa ay noqoneysaa markii ugu horeeysay oo Madaxweeynaha yimaado Kismaayo tan iyo intii xilkaasi loo doortay, waxayna arintan kusoo beegmeeysaa ayadoo dowladda Soomaaliya ay wado qorshe mideeysan oo guud ahaan dalka looga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Magaalada Kismaay ayaa kamid ah degmooyinka dalka ee sida weyn looga dabaaldegay markii Madaxweeyne Max'ed C/laahi Farmaajo ku guuleystay xilka madaxtinimo ee dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiraan.com
Kismaayo-Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment