Monday, June 5, 2017

Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo laga joojiyay in uu ka dhoofo Madaarka Hargeysa



















Isniin,June, 05, 2017 (HOL)- Ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland ayaa siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ka baajisay safar uu doonayey in uu ku tago dalka Kenya.
Ciidamadda laanta socdaalka Somaliland ayaa dib uga soo celiyey madaarka Hargeysa oo uu shalay doonayey in uu ka dhoofay, waxaana wararku sheegayaan in ay sabab u ahayd Paasporka Soomaaliya oo uu sitay.
“Safarkaasi la iga joojiyey waxaan u arkaa mid jid gooyo ah oo sharci daro ah, waxaana doonayey inaan ka dhoofo madaarka Hargeysa waxaan usii jeeday wadanka Kenya, gaar ahaan magaaladda Nairoobi”ayuu yidhi Buubaa oo ka hadlayey safarka laga joojiyey wakhti uu wadanka ka dhoofayey.
Ismaaciil Hure Buubaa ka tirsan saraakiisha waaweyn ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, haseyeeshee illaa hadda kama hadal ciidanka laanta socdaalku sababta u baajiyeen safarkaasi siyaasi Hure Buubaa.
Somaliland ayaa hore madaaradda dalka uga mamnuucyada Paasporadda cusub ee Soomaaliya, waxaanay wararka ka ag dhow ciidanka laanta socdaalka Somaliland sheegayaan inuu Ismaacil Hure sitay Paaspor soomaali Diplamaati ah, inkastoo siyaasiyiinta Somaliland badankoodda sitaan Paspooro ajaniba ah.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment