Monday, June 5, 2017

Raggii ka danbeeyay dilkii wasiir Cabaas oo maxkamad la horkeenay

Isniin,June, 05, 2017 (HOL) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta la horkeenay Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid iyo Cismaan Salaad Barre oo loo heysto in ay ka danbeeyeen dilkii Wasiirkii howlgaha guud iyo dib-u-dhiska Cabaas Siraaji 03, May ee sanadkan xili habeennimo ah lagu toogtay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Sooomaaliya.
Ragga maanta maxkamada ka soo hor muuqday ayaa ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Hanti-dhowrkii guud ee Qaran Dr. Nuur Faarax oo markii danbe xilkiisa ku waayay dilka wasiirka oo lagu eedeeyay in ilaaladiisa ay ka danbeeyeen.
Maxkamada ciidamada ayaa sidoo kale waxaa maanta la horkeenay saraakiil ka tirsan ciidamada ilaallada madaxtooyada oo habeenkii dilka dhacayay shaqada ku jiray iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan laanta danbi baarista kuwaa oo wax laga weediinayay sida uu dilka u dhacay.
Dood dheer iyo Su’aalo is weydiin kaddib ayaa garsoorka maxkamada ciidamada qalabka sida waxaa ay xeer ilaalinta ka dalbadeen in ay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qareennada difaacayay eedeysanayaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagana codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xiran tahay, islamarkaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Dilkii wasiir Cabaas Siraaj ayaa dood adag ka dhax abuuray dowladda federaalka, kaddib markii gollaha wasiirada maalmo uun kaddib kulan deg deg ah oo ay yeesheen xilkii kaga qaadeen hanti-dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo laakiin dhinaciisa ku gacan-seyray xilka qaadista lagu sameeyay isaga oo ku sheegay in aan loo marin dariiqii sharciga ahaa, ballse wareegto ka soo baxday madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xoojiyay go’aankii gollaha wasiirada ee uu xilka ku waayay Hanti-dhowrka.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

No comments:

Post a Comment