Wednesday, June 28, 2017

Ma Gafe Soomaali ah oo lagu qabtay jasiiradda Lempedusa ee dalka Taliyaaniga


Wednesday June 28, 2017

23 jir Soomaali ah ayaa lagu xiray  jasiiradda Lampedusa ee dalka  Talyaaniga kaasoo lagu soo eedeeyay jirdil iyo kufsi uu kula kacay dad dhibaateysan oo magangalyo doon ah kuna sugnaa dalka Libya ka hor sodcaalladoodii Mediterraneanka,   sida laga helay ilo wareedyo Talaadadii.

Arrintan la xiriirta eedeynta ninkan dhallinyarada ayaa la sheegayaa iney ka dhacday dhul-beereed lagu magacaabo Xudeyfa, degmada Kufra oo ku taal dhulka saxaraha ah ee Libiya.


Warbixinno laga qoray dhibbanayaashii iyo markhaatiyo laga qoray ayaa sheegeysa in ninkan uu dadkaas jilicsan ku garaaci jiray KARBAASH ka sameysan tuubooyinka cinjirka amaba caagga ah isla markaasna ku haddidi jiray hub kuna cabsiin jiray inuu dilayo siduu rabana ka yeeli jiray.

No comments:

Post a Comment