Sunday, June 4, 2017

QALQALKA GALAY AMNIGA

W.Q Cabdulqaadir Maxamed Walaayo
Suxufi: Walaayo

Ilaa laga soo bilaabo burburka xukuumadi dhexe ee Soomaaliya muddo ku dhow 30 sano waxaa shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho ku dhaqan laga hor-joogsaday oo loo diiday inay helaan fursa ay ku dhistaan maamul caadil ah oo dalka ku soo celiya nabadda iyo xasiiloonida.
Isku dayo laga sameeyay in caasimada la xasiliyo waxaa hantaaturo ku noqday dadka ilaa hadda heysta hantida dadka naftooda kala baxsday caasimada oo ka cararay qalqalka ka dhashay nabadgelyo xumida iyo dagaalada qabaliga ee soo bilowday 1991.
Madaxwehnihii ugu horeeyay ee burburka kaddib Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in nabad-diidka gacan-bir ah lagu qabto si loo badbaadiyo malaayiin kale oo Soomaali ah oo raba inay ku nooladaan nabad, xasiiloni iyo kala dambeyn qawaniinta la isku xukumo.
Erayga Madaxweynaha ka soo yeeray waxaa ka qayliyay dadka loo aaneynayay inay hor-boodayeen amni darrida ayadoo isla waqtigaasi uu qarxay dagaalka la magac-baxay ``dagaalka afarta bilood`` oo markii dambe caasimada la dhex dhigay qad beenbeenta ee cagaarna.
MAXAA LAGA DHAXLAY
Khasaaraha laga dhaxlay dagaalkaas waxaa ka mid ahaa waxa dhulka lala simay faras-magaalka caasimada iyadoo salka loo siibay mashariic taariikhi ahaa sida taalooyin iyo dhismayaal qadiimi ah iyo warshado kuwaasoo si sharci darro loogu dhoofiyay dalka dibadiisa oo loo iib-geeyay.
Wixii waqtigaas ka dambeeyay Muqdisho waxay noqotay goob ay ku tarmaan dagaal-oogaal hor leh ``breeding ground` of war-lords``. Waxaa burburay is-gaashaan-buursigi u dhexeeyay qabaa`ilka ku abtirsata USC waxaana dagaalo lagu hoobtay isugu guriyo noqday beelaha sheeganayay inay iyagu caasimada leeyihiin ayadoo dagaaladaasi ay ku faafeen gobollada dhexe ilaa koofurta hoose. Dagaaladaas waxba haba yaratee lagama kororsan aan jab iyo hoog ka aheyn oo isugu jiray asaay, agoon iyo dhaawac nafta iyo maskaxda oo aan weli laga bogsoon.
Jabka waxaa aasaas u ahaa bilowga halganka USC ayaa waxaa ku jiray ashkhaas wadatay ajenda qarsoon oo ahaa inay iyagu xoog ku qabsadan caasimada dalka kaddib markii meesha laga saaro maamulka askrta. Xog-ogaalka ayaa sheegaya inay dadkaas dhaqalaha ay ku bixi lahayeen dagaalka USC ay dib u dhigtaan halganka dambe oo damacoodu yahay inay kula wareegaan Villa Soomaaliya sida darteedna ay halka ka kontroolaan Muqdisho iyo dalka guud ahaan. Waxaa meel mar noqon waayay maamulo dhoob-dhoob ah oo is-magacaaba. Waxaa suuroobi weysay in maamul loo dhiso caasimada.
NATIIJADA SHIRKA CARTA, DJIBOUTI
Shacabka inta samaha jecel waxay u oomanayeen inay helaan maamul ku dhisan cadaala, shaqo iyo kala dambeyn. Shiddo iyo tacab badan kaddib, waxay dawladda Djibouti ay qabanqaabisay sannadki 2000 shirweynihii dib-u-heshiinta Soomaalida oo si weyn looga soo qayb galay waxaase qaadacay shirkaas dagaal-oogayaasha Muqdisho oo isu arkay in aaney miiska soo dhigi karin siyaaso wax tar u leh Soomaalida gebi ahaan. Dawladda Djibouti waxay dhowr jeer isku dayday inay ergo ka socota ay yimadaan Muqdisho si ay uga dhaadhiciyaan inay dagaal-oogayaasha ka soo qayb galaan gogosha taal tuulada Carta dalka Djibouti.
Natiijada ka soo baxday geedi-socodka shirka Djibouti waxay noqotay in Madaweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan loo soo doorto Madaxweynaha JF ee KMG ee Soomaaliya. Waxaa maamulka hantaatureeyay kuwa dawlad-diidka ah oo la shaqeyn waayay iyo wadamada deriska uu u arkay in danahooda ay ka fushan karin hoggaamiyaha Soomaalida.
Dawlad-diidka waxay caqabo ku noqdeen xukuumadihii isaga dambeeyay xukunka dalka marka laga soo bilaabo 1991 ilaa 2014. Haddana ayaga maanta ah cabsi iyo qatar tii hore ka daran ah Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo Ra`iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre. Waxaa tusaale cad u ah Shaqaadada Soomaaliya oo yeelaatay weji caalami marka ay wadamada badani ee calamka ay u arkeen inay Soomaaliya tahay qatar adduunka ku soo fool leh eed ahaan noqon karta ama run ama been marmarsiiyo la rabo in qarannimada dalka lagu dhaawaco.
KOOXDA NAIROBI
Dawladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ayadoo weli Villa Soomaaliya qashinka ka xaareysa ayaa mucaarad ka soo hoos kacay kuwa la baxay horeusocod oo Nairobi isku urursaday. Kuwaasi waxay ku andacoonayaan inay isu diyaarineya inay abuuraan xisbi siyaasi oo la xisaabtama dawladda. Inta samaha jecel ee Soomaalida waxa u soo baxday horta ma la gaaray waqtigii xukuumada cusub la mucaaridi laha ama lala xisaabtami lahaa.
Maanta qiso kale ayaa timid oo sida caadada ahaan jirtay qas-wadayaasha waxay diidaan yihiin in ray´idka hubka laga qaado oo hubka lagu celiyo xerooyinka ciidamada militariga iyo hay`adaha kale ee nabadda ilaaliya. Shacabkuna u dareero tacab iyo barashada tacliinta.
Kuwa ka shaqeeya war-habaabinta qabiilqaabiilka buunbuuniya waxay brobaganda ku fureen ololaha xasiliinta ayagoo oranaya reer hebel ayaa hubka laga qaadaya. Waxay ku doodayaan gobollada oo dhan si isku mid ah in hubka loogaga dhigo. Halkaas waxaa laga qiyaasi kara in xaaladda anaaniyada ay gaartay heer aan laga soo noqi karin in xukuumaddu isticmaasho tabo kale mooyee.
Horta yaa masuul ka ah kala mudneysiinta maamulka dalka – ma xukuumada mise Qas-wadayaasha. Qorshaha dalka lagu hormarinaayo waxaa masuul ka ah xukuumada iyo barlamaanka oo ay dadku soo doorteen. Qof kasto oo Soomaali ah oo xalaal ah wuu gar-waaqsan yahay in dhibta Soomaaliya haysata ay tahay xasilooni la`aanta ka jirta caasimada. Caasimada waxay ummadda Soomaalida uga dhigantaa oo ay la mid tahay halka uu qalbiga kaaga yaal nolosha aadanaha. Muqdisho waxaa dib ugu soo noqon doona ummadda hore u deggeneyda burburka ka hor oo ku lahayd hantida guurtada iyo ma guurtada oo xuduntooda ay ku duugan tahay.
Qofka tallabadaas ka hor yimaada waxaan aqoon muhimadda Muqdisho wuxuuna ku sifoobay qaa`inul wadan loo baahan yahay in shacab iyo xukuuma si wadajir ah la iskaga qabto oo meel loogaga soo wada jeesto si ummadda Soomaalida ay mar kale u soo ceshato karaamadii ay ku dhex lahayd beelaha adduunka ka jira ee qarmada ``international communities of nations``
.
Dawladdu waa inay gacan adag ku xafido oo hubka la soo ururiyay aan mar kale lagu arag isagoo iib ah.
Ma suuroobeyso mana loo dul qaadan karo in koox yar oo qabiiyaaladda ay in dhaha ka tuurtay oo madaninimada ku yar tahay ay madax furasho iyo xaaraan ku heysato caasimadda qaranka Soomaalida ee Muqdisho. Kooxdaas waa in la iska dhiciya oo shacabka samaha jecel ay meel uga soo wada jeestaan.
IGA DAA QABIIL WEY DULESTAYE IGA DAA. IGA DAA QARANNIMA I DEEQDE IGA DAA!

No comments:

Post a Comment