Friday, June 16, 2017

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo si kulul uga hadlay dagaalka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan Video

Jimco, June, 16, 2017 (HOL) – Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo goor dhaw oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ay si kulul uga hadlay dagaalka ka soconaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan oo dad badani ay ku dhinteen.
Ugaaska oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay asalka colaada labada beellood ayaa sheegay in arintan salka ku heyso abaarta ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dhexe, isaga oo sheegay qoysas ka soo barakacay gobolka Galguduud oo lagu soo dhaweeyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan bilaabeen in ay la dagaalamaan dadkii deegaanka.
Ugaaska Xassan ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay si loo joojiyo colaada labada beellood uu xiriir kala sameeyay arintan Ugaaska Xassan Ugaas Maxamed hasse ahaatee ugu jawaabay in dhinacooda wax dagaal ah ku jirin balse is difaacayaan.
‘’Waxaa la yaab leh in Ugaaska markii aan xiriir la sameeyay Iigu jawaabay ‘’ Annaga wax dagaal ah ma wadno balse difaac ayaan ku jirnaa’’ Su’aasha in leys weydiiyo mudan ayaa ah ma dhulkii shalay laguugu soo dhaweeyay ayaad difaac uga jirtaa, ‘’ ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
Dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay deegaanka ayaa waxaa ku dhintay tiro ka badan 15 ruux halka dhaawacyo kala duwan la dhigay isbitaallada degmooyinka Beledweyne, Dhuusa-mareeb iyo Guri-ceel.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka ayaa ku baaqda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo.
Dhinaca kale waxaa goor dhaw magaalada Beledweyne soo gaaray xubno ka tirsan gollaha wasiirada dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo qeyb ka noqonaya dadaallada lagu dhaxdhaxaadinayo labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment