Monday, August 7, 2017

Saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin Shabeellaha Dhexe oo la duqeeyay

Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL)- Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, ayaa la soo sheegayaa in ay duqeyn ka geysteen degaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsan Al Shabaab, waxaana hadalkooda ay sii raaciyeen in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale saraakiisha ma aysan sheegin tirada khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, ayaa inta badan weeraro madaafiic ah ku qaada saldhigyada Al Shabaab ee ku yaalla koonfurta dalka Soomaliya.
31-kii bishan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu dilay Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal), oo sida ay sheegtay mas’uul ka ahaa qorsheynta dilalka iyo Qaraxyadii ka dhacay magaalladda Muqdisho.
“Dowladda Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay oo ka dhacay agagaarka Tooro-Toorow, waxaana la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha  Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal)”, sidaasi ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan”.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia

No comments:

Post a Comment