Tuesday, August 1, 2017

Qarax dhimasho sababay oo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo

Talaado, Augusto, 01, 2017 (HOL) – Labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay qarax xoogan oo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha Hiiraan Online ee magaalada Kismaayo  Xassan Nuur qarax ayaa lagu bartilmaameesaday goob maxaaaqi ah oo ku taala xaafadda Farmajo, lamana oga in gaariga qarxay uu la socday qof ismiidaamiye ah iyo in kale.
Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xiray goobta uu falku ka dhacay waxaana socda baaritaanno la xiriira sida uu qaraxu u dhacay.
Saraakiisha hay’ddaha amniga kama aysan hadlin arintan mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlinediini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment