Saturday, August 5, 2017

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo afjaraya doodda xilka wasiirka dastuurka

Sabti, Augusto, 05, 2017 (HOL) -Waxaa goor dhaw xarunta gollaha shacabka ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in ay soo afjaraan doodda ka dhalatay xilheynta wasiirka dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.
Doodda ka dhalatay arrinta wasiir Xoosh ayaa ku kala qaybsamay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii uu ka baaqsaday in uu hortago mudanayaash baarlamaanka.
Ajandaha kulanka baarlamaanka maanta ayaa waxaa qeyb ka ah khilaafka xildhibaannada eek u aadan wasiirka dastuurka, waxaan la filayaa in saacdaha soo socda go’aan laga soo saaro.
Kulankii ugu dambeeyay ee maalintii Arbacada loo balansana ayaa u baaqday kooram la’aan kaddib markii ay soo xaadiri waayeen tirada xildhibaannadii loo baahnaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment