Friday, August 11, 2017

Al-shabaab oo mar kale weeraray Mukhtaar Rooboow

Jimco, Augusto 11, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar rogaal celis ah ku qaadeen saldhiga Mukhtaar Rooboow kaddib dagaalkii cuslaa ee dhacay Arbacadii oo dib loogu soo riixay Al-shabaab.
Wararka naga soo gaaraya degmada Xuddur oo ay hoostagaan deegaannada lagu dagaalamayo ayaa sheegaya in Al-shabaab dagaalamayaal badan keeneen deegaanka, iyaga oo mar kale maanta weerar ku qaaday maleeshiyaadka Mukhtaar Rooboow.
Lama oga in dagaalkan danbe qeyb ka yihiin ciidamada maamulka Koonfur galbeed oo gurmad u diray deegaannada lagu dagaalamayo si ay garab u siiyaan Mukhtaar Rooboow oo dhowr sano ka hor ka goostay Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment