Monday, August 7, 2017

Wadayaasha gaadiidka Mooto Bajaajka oo dibadbax ka dhigay Muqdisho

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL) – Wadayaasha gadiidka Mooto Bajaajka ayaa maanta dibadbax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo cabanaya dhibaatooyin loogu geystay jidadka magaalada oo qaarkood loo diiday in ay adeegsadaan.
Dibadbaxayaasha ayaa xiray qeybo ka mid ah isgooysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ay u diideen in ay adeegsadan gadiidka BL-ka ah iyo kuwa ciidamada.
Isgooyska KM4 ayaa la arkayay qaar ka mid ah wadayaasha oo is hortaag ku sameyanaya gadiidka dadweynaha iyo qaar ka mid ah kuwa ciidamada, hasse ahaatee rasaas markii danbe ay fureen ciidamada ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof rayid ah.
Cabashada wadayaasha gadiidka Bajaajka ayaa salka ku heysa in loo diiday isticmaalka jidadka muhiimka ah caasimada sida waddada Wadanaha iyo Jidka Maka Al-Mukarama, madaama horay looga mamnuucay in ay adeegsadaan jidadka jidcadayaasha oo loo xiray sababo la xiriira dhinaca amniga.
Dibadbaxayaasha oo markii danbe isugu tagay taallada Daljirka Dahsoon ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda federaalka, iyaga oo codsaday in wax laga qabto cabashadooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment