Tuesday, August 1, 2017

Cabdiraxmaan Cirro oo maalinta Barri ah iska casilaya guddoonka gollaha wakiilada Soomaaliland

 
Talaado, August, 01, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha golaha Wakiiladda, Ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa lagu waddaa in maalinta Barri ee Arbaco ah uu iska casilo xilka gudoomiyaha golaha wakiiladda oo muddo ka badan 12 sanno uu xilkaasi hayey.
Gudoomiye Cirro oo mudooyinkan u dambeeyey la hadal hayey goorta uu is casilo doono ayaa waxay soo gaadhay wakhtigii uu macasalaamayn doonno saaxiibadiisa golaha Wakiilada oo muddo dheer shirgudoonka u ahaa.
Waraaq uu soo qoray gudoomiyaha golaha Wakiilada, oo uu akhriyey xoghayaha guud ee golaha Wakiilada Cabdirisaaq Ayaanle ayuu ku wargalinayo xildhibaanadda in ay maalinta barri iskugu yimaadaan shir muhiim ah oo uu gudoomiyuhu la qaadan doono xildhibaanadda.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda Cali Aw Yuusuf ayaa sheegay in sababta uu gudoomiyuhu xildhibaanada iskugu keenay uu yahay mid uu ku doonayo in uu isku casilo.
“shirgudoon ahaan maanta ayaanu shirnay waxaana isla garanay inuu gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro maalinta Barri uu iscasiladaasiisa keenay golaha , taas ayaana keentay in xidlhibaanada la iskugu yeedho”ayuu yidhi Cali Aw Yuusuf gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda.
Gudoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Cirro ayaa 12 sanno iyo dheeraad gudoomiye ka ahaa xildhibaanadda golaha wakiiladda, inkastoo dadweynuhu is waydiin jireen goorta uu xilkaasi banayn doono, haseyeeshee wakhtigii doorashada la mudeeyey waxa ka hadhsan laba bilood, taas ayaana soo dadajisay inuu isku sii wadi kari waayo labadan shaqo, waxaanu iskugu luwo duwan doonaa gudoomiyaha iyo musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanay loolan adag wadda gali doonaan labadda xisbi ee kale.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment