Friday, August 4, 2017

Saddex qof oo ku dhimatay qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Jimco, August, 04, 2017 (HOL) –Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qarax gaari oo caawa ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka-Al-Mukaram ee magaallada Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarax, sida uu hadalka u dhigay balse ma uusan sheegin khasaaraha ay ogyihiin ee ka dhashay Qaraxa.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xiray wadada, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaanka qaraxa dhacay.
“Qaraxa waxaa uu ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Daarul Shifa iyo Hotel Ambassado, waxaana jira bukaanno badan oo naxdin ay lasoo deristay kadib markii Qaraxa uu dhacay”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Maxamed Adan oo ku sugnaa nawaax.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxa balse Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan geysta Al Shabaab. 
Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayay, balse iyadoo howlgalladaasi ay jiraan ayaa mararka qaar waxaa dhacay Qaraxyo ay inta badan sheegtaan Al Shabaab.
30-kii bishii July Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa Hiiraan Online u sheegay in shan qof ay ku dhinteen halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhiga Police-ka degmadda Waaberi iyo Hotel-ka Maka Al-Mukarama ee Magaalladda Muqdishu.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa goobta Qaraxa uu ka dhacay.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia

No comments:

Post a Comment