Wednesday, August 16, 2017

Wararkii ugu danbeeyay xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan maamulka Hirshabeelle

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) -- Iyadoo aad moodo in laba garab uu hadda u kala jabay maamulka Hirshabeelle, ayaa dhinaca kale magaalada Jowhar waxaa ka soconaya kulamo iyo shirar iska soo horjeeda oo ay halkaa ku leeyihiin xildhibaannada labada dhinaca.
Magaalada Jowhar waxaa xalay ku shiray tiro xildhibaanno ah oo taageersan Cali Cabdullaahi Cosoble kuwaa oo sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiyaha baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Guudlaawe.
Hasse ahaatee kulan maanta ka dhacay magaalada Jowhar oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa lagu sheegay in la magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha oo ka kooban 9 xubnood.
Qaar ka mid ah xildhibaannadii markii hore taageersanaa Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka dhax muuqday kulankii maanta looga dhawaaqay guddiga doorashada madaxweynaha.
Cali Cabdullaahi ayaa wali ka biyo-diiday xil ka qaadis lagu sameeyay, isaga oo sheegay in arintaasi tahay sharci darro iyo fowdo meello kale laga soo abaabulay.
Xildhibaannada sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay wax qabad la’aan mudaddii uu maamulka soo jiray.
Laakiin Cali Cabdullaahi ayaa u arka arimahan oo dhan in ay yihiin kuwo siyaasadeed oo meelo kale laga soo abaabulay lana doonayo in lagu bur buriyo maamulka Hirshabeelle.
Dowladda federaalka Soomaaliya wali kama aysan hadlin xiisadan siyaasadeed ee ka dhax aloosan maamulka curdanka ah ee Hirshabeelle.
Qalalaasahan siyaasadeed mid u eg ayaa horay waxaa xilkiisii ku waayay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen, inkastoo tallaabadaa ay ka soo horjeesteen isla xildhibaanno kale oo ka tirsan baarlamaanka, laakiin ugu danbeyntii Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment