Saturday, August 5, 2017

Guddoonka Aqalka sare oo maanta kulan la yeeshay guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka

 
Sabti, Augusto, 05, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa maanta magaalladda Muqdishu kula kulmay guddiga la socodka dib-u-eegista Dhaqan-Gelinta-Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee labada aqal ee Baarlamaanka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta arrimaha dib-u-eegista dastuurka dalka.
Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa sheegay in kulankan uu qayb ka ahaa kulamadii ay gudiyada joogtada ah ee golaha aqalka sare maalmahan u socday.
“Maalinta barri ee bishu ay ku beegan 6, August, waxaa bilaabanaya kulamadii xubnaha aqalka sare ee ay guda galayeen ajandayaasha horyaalla si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri guddoomiyaha.
12 Bishii Luulyo ee sanadkan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu furey kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, oo maanta hortagay kulan xarunta gollaha shacabka ay ku lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa raali gelin ka bixiyay qoraal uu horay u soo dhigay boggiisa Twitter –ka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay in markasta oo xubnaha Golaha Shacabka u baahdaan inuu hor yimaado.
Xildhibaannada ayaa Wasiirka u sheegay in uu dar-dargeliyo howlaha ku saabsan Dastuurka dalka.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia

No comments:

Post a Comment