Wednesday, August 9, 2017

Taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha Boosaaso oo goor dhaw la dilay

 
Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Rag hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha Boosaaso Cabdi Dheere sida ay ku soo waramayo wariyaha Hiiraan Online Feysal Boston oo Boosaaso jooga.
Toogashada taliye ku-xigeenka aya ka dhacday dhabarka danbe ee isbitaalka magaalada Boosaaso, iyadoo raggii dalka geystayna goobta ka baxsadeen.
Lama oga ilaa iyo hadda cida geystay dilka taliye ku-xigeenka, balse warar hoose oo baxaya ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku hayo arimo la xiriira Aano Qabiil kaddib marki dhawaan rag hubeysan ku toogteen magaalada Boosaaso guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment