Thursday, August 3, 2017

Ciidamada maamulka Jubaland oo Qarax lagula eegtay Gobolka Jubada Hoose

Khamiis, Augusto, 03, 2017 (HOL) -Kolonyo ay la socdeen ciidamada maamulka Jubaland ayaa maanta Qarax miino lagula eegtay deegaanka Yoontoy ee Gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada ammaanka ee kolonyada la socotay ayaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray Qaraxa, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Ciidamada Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaq kala duwan oo ay ku doonayaan inay ku gaaraan deegaanno ay Shabaab ka joogaan Gobolka.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.
1-dii bishan Augusto, Qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxaa uu ka dhacay magaalladda Kismaayo, waxaana ku dhintay dhowr qof halka 20 dad ku dhowna ay ku dhaawacmeen, sida Police-ka ay sheegeen.
Madaxweynaha maamul-gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa faray laamaha ammaanka ee maamulkiisa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay baaritaan ugu sameeyaan Qaraxa.

Dadkii ku dhaawacmay waxaa ay ahaayeen dad shacab ah oo fadhiyay Makhaayad yar oo ku taalla halkii Qaraxa uu ka dhacay.
Axmed Madoobe oo ka hadlay qaraxaasi, ayaa faray laamaha ammaanka Jubbaland inay qaadaan tallaabooyin baaritaan dheeri ah loogu sameynaayo qaraxaasi. 
“Waxaan farayaa Hay'addaha ammaanka in baaritaan dheeri ah ay ku sameeyaan Qaraxa, jawaabna ay keenaan”, ayuu yiri Madaxweyne Axmed.
Wixii kusoo kordha halkan kala soco..

Hiiraan Online,
Hassan Istiila/ Hassan Noor
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment