Sunday, June 11, 2017

MAQAAMKA MUQDISHO IYO MAAMULKA GOBOLKA BENADIR

W.Q. Cabdulqaadir Maxamed Walaayo
Suxufi Walaayo
Dagaalka beelaha USC ku dhex maray caasimada 1991 waxa laga dhaxlay burburka laxaad leh oo waxaa dhulka la simmay dhismayaashi qadiimiga ahaa ee caasimada qarniyaal ka hor la hirgeliyay. Dagaalka USC kaddib, Faras-magalaha wax daayac-tir ah laguma sameynin dadka ku dagaalayne marna kama fikir sidii dhulka burburay dib loogu dhisi laha.
Dadka loo aaneynayo inay burburka geysteen ayaa maanta waxay ku doodayaan in Benadir maamul loo dhiso bacdama, sida ay ku doodaan, aan la inkiri karin tirada ku nool caasimada oo ay ku sheegaan 3 malyan, 4 malyan ama 5 malyan. Cid ilaa hadda sheegtay ma jirto tirada maxa sal loogaga dhigay? Ma tirakoob baa la qaaday? Ma dadka gobollada ka yimi oo Xamar aan aadno ku soo galay miya ku jira oo hadda sida sharci darro ku heysto guriyaha dadka kale iyo dawladda ay leeyihiin? Aawayeen dadkii burburka ka hor degena oo ku dhashay caasimada oo ku lahaa hantida? Dadkaasu miyaaney xaq u leeheyn inay wax ka dhisaan maamulka iyo maqaamka cusub gobolka Benadir qaybta ay ku lahayeen haddiiba wax la dhisayo?
Su´aaluhu inta waa ka badan karaan waxaanse ku soo koobaya odayada is-magacaabay oo ku shiraya Hoteelada Muqdisho oo ku doodaya magaalo waxaa leh dadka caanaha, dhuxusha, qoryaha, cawska, ukunta iwm la mid ah keena doodaasi ma ahin mid gar ah oo cilmi ku dhisan waayo dadka magaalada baadiyaha ka deggen waxaa badeecadahooda suuq u ah dadka magaalada degen oo la´aantooda aaney wax ribix ama faa´iido ay ka heleynin tacabkooda. Tirada dadka wax quuta (consumers)ka ayaa ummaduhu ku kala hormaraan oo lagu hodma. Suuq aan dad lahayn dadkiisu ma horumaraan.
Image may contain: sky and outdoorILAA HADDA KUWA BURBURIYAY CAASIMADA ISKUMA AY HAWLIN DIB-U-DHISKA IYO DAAYACTIRKA MUQDISHO
Qofka raba in la boobsiiyo dhismaha maamulka iyo maqaamka gobolka Benadir waxaa ujeedkiisu yahay in maamul kastoo sharci darradaas ku soo baxo uu u xalaaleeyn guryaha iyo dhismayaasha dawladda ay sida sharci darrada ay hadda ku deggen yihiin muddada ku dhow 30 sano mase oga miya in ``hal booli ah in aney nirig xalaal ah ay dhaleynin``. Haddii loo baahan yahay in xal caadil ah la gaaro waxaa laga raba dadka haysta ama ku maqan tahay hantida shacabka ka qaxay Xamar iyo hantida dawladda waa in cidii iska lahayd ày gacanteeda ku soo celiyaan hantida ay heystaan.
Dadka loo heysto oo ku eedeysan burburka caasimada weligood marne iskuma soo qaadin sidii ay u daayactiri lahayeen farasmagaalaha ay burburiyeen gaar ahaan inta u dhaxaysa dhismayaasha wareega ka soo bilowda baarlamaanki hore wadada ``VIA MARE LUNGO``, CAFE` NAZIONALE, VIA SAN FRANSISCO D`ASSISI, AFAR-IRDOODKA, DUGSIGA MACALLIM JAAMAC BILAAL ILAA WADAMADA KAMAL EL-DIN SAALAX``.
Kuwa ku doodaya milkiyada Gobolka Benadir marka hore ha soo nooleeyaan dib-u-dhiska dhulka ay burburiyeen tusaale sida dukaanka ZULFAKHAAR, HOTEEL SHEBELLE iyo burburka soo gaaray jiidaas kolkaas kaddib ha sheegteen inay leeyiiin maamulka iyo maqaamka Gobolka Benadir. Haddii ay sidaas yeeli wayaan ha ogaadeen in Muqdisho aaney iyagu xigto iyo xigaalo u ahayn oo ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay iska wada leeyihiin. Sidaa darteedna, waa in si wadajir ah loo wada dhiso maamulka iyo maqaamka gobolka Benadir ayadoon Soomaali kama maqneyn.
DHISMAYAASHA HEERKA CAALAMI U DHISAN EE MUQDISHO
Marka laga soo tago daarihii uu Talyaanigu ka tegay iyo qaar ka mid ah guryaha xafiisyada dawladda, dhismayaasha heerka caalami u dhisan ee ku yaal Muqdisho waxay kala yihiin labada daar oo kala ah´´SAVOIA CENTER``, JIRDEH HUSSEIN BUILDING, TRE PIANO, SEI PIANO, CALI MAXAMED BIN-QUER, DHISMAHA HOTEL SAXAFI II (EX-CHINESE EMBASSY BUILDING), DHISMAHA KAFFE NAZIONALE, DUKAMAADA XAMAR WEYNE OO KU YAAL WADADA 12 OTTOBRE OO DHAMAANTOODA AY ISKA LEEYIHIIN AH DHAXALKA MARXUUM HAJI IBRAHIM OSMAN ``UUN LAAYE´ IYO YUSUF EGAL BUILDING OO U DHOW MASJIDKA MAQAAMKA CABDULQADIR OO KU YAAL VIA PHILIPPINE XAAFADDA ISKU RARAN.
Walow ay jiri karaan kuwo aan hadda illowsanahay, waxaa jira guryo kale kol dhow ay ganacsato ka dhiseen hareeraha wadada Makkah Al-Mukaramah oo dabaqyo dhaadheer u badan.
Mashaariicdaas haddii aan loo helin dadka ku dhaqmo oo kireysta waxay noqon doonaan meelo iska haawanaya oo aan dalka iyo dadka wax tar u lahayn. Dal waxaa camiradiisa waxa sal u ah inta ay la´eg baaxadda tirada dadka awooda u leh inay wax iibsadaan oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi ba leh.
Waa in shacabka inta samaha jecel iyo xukuumada ay abuuraan jawiga ay dadkaasi ugu soo noqon lahayeen dalkooda, dadkooda iyo hantidooda.
Kolka haddii la rabo in maamul iyo maqaam cusub loo dhiso caasimada Muqdisho iyo gobolka Benadir waa inay ka soo qayb galaan dhamaan ummadda Soomaalida ee Muqdisho hadda iyo horeba hantida ma guurtada ugu lahaa si mashaariicda hadda dhisan loogu helo dad awood u leh inay wax ka iibsadaan, maal-gashadaan, ama suuq u noqdaan ganacsiga ka furan caasimada.
XUKUUMADA WAA IN LOOGAGA DAMBEEYO DHIMSHA MAAMULKA CAASIMADA
Talada iyo tabaha dhismaha maqaamka Muqdisho iyo Gobolka Benadir waa in looga dambeeyo xukuumadda hadda dalka maamusha oo aan lagu garab ordin saa mudnaan kala siinta mashariicda dalka lagu hormarinaayo waxaa masul ka ah dawladda.
Wixii intaas ka sokeeya waa fawda. Shacabka wuu ka soo daalay fawda oo wuxuu ku soo jiray muddo ku dhow 30 sano oo ummaddu ku kala irdhowday. SubxaanaAllah, Fawdadu intee socon karta.
Dahablihii Xamar weyne ee Cali Kasow iyo dahablayaasha kale, Dukaamihii Nus Cadan, Cabdi Farey, Kaputo, CabdulMaanic, Orologeria Lugli & Zini, Reer isku-raran, dadkii laha muqaayadaha El-trocadero, Blu Marlie, Il Pescatore, Capucetto Nero iyo kuwo waa inay dib ugu soo noqdaan meherahooda oo ay dib furtaan.
Dadka qaar ayaa qabi kara in dadkaasi dhinteen. Haa waa dhiman karaan oo waa nafley laakinse ma oga miya in dhaxalkooda ay weli nool yihiin.
Tusaale: waxaan facebook friend nahay wiilka uu dhalay Dawaaraha Talyaaniga oo Incandel oo lagu magacaabo Giuseppe. Waa jiraan asxaab kale oo reer xamar ahaa inay yaqaaniin kuwo kale.
Haddii ay caasimadda nabad noqoto waxaa nabadaasi ku faafeysa dalka iyo dadka oo dhan waxaan dib u soo noqon doonta qarannimada Soomaalida cusub.

No comments:

Post a Comment