Saturday, June 10, 2017

Taliyaha ciidanka xoogga oo Digniin adag kasoo saaray gawaarida iyo ciidanka hubeysan ee Muqdisho dhex socda

Sabti, June, 10, 2017 (HOL)-  Kulan looga hadlayay ammaanka caasimadda oo ay ka qeyb-galeen Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalladda Muqdishu.
Kulanka waxaa kasoo baxay go’aanno cusub oo lagu darsayo ammaanka, kaas oo si gaar ah u quseeyay mas’uuliyiinta iyo ragga labisan dharka ciidanka dowladda Soomaaliya.
Taliyaha Ciiidanka Xoogga dalka Soomaliya General Maxamed Axmed Jimacaale, ayaa warbaahinta u aqriyay go’aankii kasoo baxay kulanka, oo ay kamid ahaayeen.
1-      Lama ogola qof aan ka tirsaneeyn ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo labisan dharka tuutaha oo calaamad u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Waxaana qofkii lagu helo laga qaadayaa tallaabo sharci ah.
2-      Hub magaalladda laguma dhex qaadan karo, qofkii lagu arko hubka waa laga qaadayaa, qofkii isku dejiya qoriga oo lagu dhibaateeyo isagaa mas’uul ka ah.

3-      Gaadiidkii magaalladda socda ee hubeysan waa in uu heystaa warqada dhaq-dhaqaaq ee magaalladda uu ku dhex maraayo,  haddi laga waayo, qofkaasi waa dambiile gaarigana waa laga dhigayaa. Sidoo kale gaadiid magaalladda dhex mari kara ma jirto oo aan u socon shaqo ama wadan warqada ruqsada uu ku dhaq dhaqaaqaayo.
Qodobaasi ayaa ahaa kuwii uu warbaahinta u aqriyay Taliyaha ciidamadda Xoogga.
Magaalladda Muqdisho, waxaa ka socda hawl-gal loogu magac daray xaqiijinayo amniga caasimada, waxaana magaalladda dibbadda looga saaray in ka badan 3000 oo kamida ciidanka Xooga dalka, waxaana la geeyey Jiidaha hore ee dagaalka si gaara Xerada Bali doogle, sida dowladda ay sheegtay. 
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia

No comments:

Post a Comment