Saturday, June 17, 2017

Soomaaliland iyo Khatumo oo gaaray heshiis ka kooban shan qodob

Sabti, June, 17, 2017 (HOL) - . Somaliland iyo Khaatumo ayaa maanta soo saaray heshiish shan qodob ka kooban oo ay ku soo afjareen wadahadaladii dhowrka wareeg qaatay ee u socday.
Hesshiiskan oo ka dhacay magaaladda Hargeysa waxaa ka soo qaybgalay dhinacyaddii wada hadaladda ka qaybgalay oo ay kala hogaaminayaaan wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire iyo gudoomiyaha baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xassan, waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha KHaatumo Cali Khaliif Galayr.
Qodobadan lagu heshiiyey ayaa kala ahaa sidan hoos ku qoran:
1. In Somaliland iyo Khaatumo ku tantoobsadaan is afgarad buuxa loo wada gaadhi lahaa,
2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo wada heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag, xaq dhawrista xuquuda aadamaha, ku dhisan diinta islaamka, oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti ee ay u wada siman yihiin.
3. In dastuurka somaliand la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi siman oo cadaalad ku dhisan oo laga sameeyo madaxda goleyaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hayadaha dawliga ah.
4. In la sameeyo maamul daadajin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeedda.
5. In shir dambe la iskugu yimaado tobanka bisha July laguna qabto magaaladda Burco si loogu dhameeyo wixii qabyo ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.

Labadd dhinac ayaa sheegay in loo baahan yahay in goboladda Somaliland nabad ku gaadhi lahaayeen,isla markaana heshiish waara loo wada gaadhi lahaa, waxaanay sheegeen in wada hadalku wali sii socdo,isla markaana kala soo tashan doonaan deegaanadoodda.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment