Saturday, June 17, 2017

Itoobiya waxay dalbaneysaa in loo kordhiyo saamiga Berbera

Dowladda Itoobiya ayaa saluugsan saamiga laga siiyay Dekadda Berbera, Somaliland, iyadoo dooneysa inay wadahadal ka furto.
Sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Dalka Itoobiya Axmed Shidde, Itoobiya waxay dooneysaa in ay wadahadallo dheeraad ah ka geleyso Saamiga laga siiyay Dekadda Magaalada Berbera oo maamulkeeda ay la wareegtay Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta.
Isagoo wasiirku ka hadlayay furitaanka Dekadda Tojarra ee Dalka Jabuuti oo Itoobiya lagu wareejiyay ayuu sheegay in Itoobiya ay maalgashi iyo adeegsi ka damacsan tahay Dekadda Magaalada Berbera, ayna wadahadal la geli doonto Sharikadda DP World.
Waxaa si lama filaan ah hore loogu dhawaaqay in Itoobiya ay saami dhan 19% laga siiyay dekadda Berbera, taasoo ay u qoondeysay DP World, waxaase muuqata in Itoobiya ay hadda dooneyso saami ka badan kii hore.
Ma cadda qaabka Itoobiya uga mid noqotay heshiiska Berbera ay kula wareegtay DP World, waxaan kaloo la shaacin doorkeeda, iyadoo madaxda Somaliland ay sheegeen in qeybtii DP World ay Itoobiya wax ka siisay.
Goobjooge

No comments:

Post a Comment