Monday, June 12, 2017

Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday $80m oo doolar si uu xiriirka ugu jaro dowladda Qatar

Isniin, June, 12, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda fedearalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa iska diiday lacag gaareysa $80m oo doolar taasoo ahayd in uu ku badasho xiriir u jarista dowladda Qatar sida Wariye Caan ah uu u sheegay New Khalij.
‘’Kaddib wada hadal socday Labo saacadood, madaxweyne Farmaajo ayaa iska diiday dalabkaas’’ Sidaa waxaa yiri Wariye Jaber Al-Harimi.
Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa wax ka qoray in uu jirey cadaadis xoog leh oo ay boqortoyada Sacudi Carabiya saartay dowladda Soomaaliya si ay uga laabato go’aankii hore ee ahaa in ay dhaxdhaxaad ka tahay khilaafka wadamada Carabta.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow  Muqdisho iyo Abu Dhabi oo  diiday in la shaaciyo ayaa u sheegay New Khalij in madaxda Imaaraadka Carabta gaar ahaan Amiirka leh dhaxalka Abu Dhabi, Mohammed Bin Zayed, in uu doonayay in uu kursiga ku sii  waaro madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo heshiis badan uu lagalay Imaaraadka Carabta kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in uu siinayo mashaariic badan sida  maamulida dekedo ku yaal dalka Soomaaliya taasoo Imaaraadka u sahlaya in xiriir ganacsi dunida kula yeelato.
Laakiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu gaashaanka u daruurayo in badan oo ka mid ah heshiisyadaas isaga oo u arka kuwo sharci darro ah.
Dowlada Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in illaa iyo hadda ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka ka jira Khaliijka balse diyaaraha laga leeyahay wadanka Qadar ayaa ku sameeyay hawada Soomaaliya illaa iyo 15 duulimaad maalintii ugu horeysay oo ay qaar kamid ah wadamada Khaliijka  xiriirka u jareen Qatar sida laga soo xigtay wakaalada wararka AP.
Wafdi ka socday dowladda Qatar oo uu horkacayay wasiiur-dowlaha wasaarrada arimaha dibada ayaa Muqdisho kula kulmay madaxweynaha dowladda Soomaaliya, inkastoo kulankoodaa aan la ogeyn dhab ahaan wax yaabaha leys kula soo qaaday balse waxaa ay u badan tahay in Qatar ku tahniyadeysay dowladda Soomaaliya go’aanka ay qaadatay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment