Sunday, June 4, 2017

Weerar ka dhacay magaalada London

Axad, June, 04, 2017 (HOL) – Booliska Britain ayaa sheegay in Lix qofood ay ku dhinteen 30 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib laba weerar oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada London.
Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa toorreey ayaa lagu midiyeeyey dad rayid ahaa, meel aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.
Ra’iisal wasaaraha Britain, Therasa May oo la hadashey warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgalinayaan mid argagixso.

Hadaba, Sahra Cabdi Axmed ayaa goor sii horreysay khadka telefoonka ee London kula xariirtey Faarax Cali Cilmi oo ka mid ah Somalida ku dhaqan London, waxuuna uga waramay sida ay wax u dhaceen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment