Sunday, June 18, 2017

Midowga Afrika oo Guddi xaqiiqo raadis ah u diraya xadka ay ku muran-sanyihiin Jabuuti iyo Ereteriya

Axad, June, 18, 2017 (HOL) –Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha Jabuuti iyo Ereteria in ay xasilooni muujiyaan ka dib markii dowladda Jabuuti ay dariskeeda Asmara ku eedeeysay in ay la wareegtay  xad labada dal ay ku muransan-yihiin.

Wasiirka Arimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada Ereteriya ay la wareegeen gacan ku haynta buurta iyo jaziirad-da Dumeira oo ah goob ay labada wadan isku-khilaaf-san-yihiin.

Arintan ayaa ka danbaysay ka dib markii dowlada Qadar ay la baxday ciidamo nabad sugid ah oo labad dhinac ku kala dhex-jiray sababo la xiriira in labada dowladood ay la safteen dowladda Sacuudiga iyo xulufadeeda.
 “Midowga Afrika waxa uu la tashiyo dhow la yeelanayaa hogaanka labada dowladood ee khilaafku uu ka dhaxeeyo ,waxaana meel wacan maraya dadaalo kooxo xaqiiqo raadis ah loogu dirayo xadka labada wadan  “ ayuu yiri gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mohamed oo war ka soo saaray arintan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Ereteria oo ku aadan eedaynta loo soo jeediyay , xilli xiisada labada dhinac u dhaxeysa ay cirka isku sii shareerayso ,waxaana sida la sheegay heegan sare la galiyay ciidamada Jabuuti.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in shir albaabadu u xiran-yihiin ay ka yeeshaan khilaafkan maalnimada isniinta ah ee todobaadkan sida laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed oo lagu kalsoon-yahay.

Ugu danbayn, dagaalkii ugu horeeyay oo labada dowladood dhex-mara ayaa qarxay sanadkii 2008-da ka dib markii dowladda Jabuuti ay Asmara ku eedeeysay in ciidamo badan ay keentay xadka ay la wadaagaan Ereteria.  

Faysal M. Hassan 
Boston@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment