Wednesday, June 7, 2017

Dowladda Jabuuti oo hoos u dhigtay xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Qatar

 
Arbaco, June, 07, 2017 (HOL) – Dowladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay xiriirkii dhinaca Diblumaasiyada ee kala dhaxeeyay dalka Qatar, waxaana ay tani qeyb ka noqoneysaa jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan dalalka Carabta.
Laakiin haddana marka dhinaca kale la eego dowladda Jabuuti ma aysan jarin gabi ahaanba xiriirkii ay la laheyd dalka Qatar sida ay sameeyeen dowladdaha Sacudi Carabiya,Imaradka Carabta, Masar,Yemen,Libya, Meldevis iyo Mouritania.
Siddoo kale dowladda Senegal ayaa sheegtay in ay dib ugu yeertay safiirkeedii ka joogay dalka Qatar si ay wadda tashi ula yeelato.
Taallabada ay qaadeen Jabuuti iyo Senegal ayaa abuuri karta walaac ah in ay jiri karaan wadamo badan oo qaarada Africa ah oo laga yaabo in ay ku dhawaaqaan tallaabo la mid ah tan ay qaadeen wadamada Carabta qaarkood ee ka dhanka ah Dowladda Qatar.
Dowladda Soomaaliya oo arintan war ka soo saartay maanta dhinaceeda ma aysan sheegin wax u eg in ay xiriirka u jirta Qatar, laakiin waxaa ay muujisay sidda ay uga waalacsan tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadamada Khaliijka, iyada oo ugu baaqday dhinacyada in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment