Sunday, October 22, 2017

Jaalle Siyaad: Si aan loo burburinin ayaan uga soo baxay caasimadda

W.Q. Suxufi Cabdulqaadir M. Walaayo
Walaayo oo salaamaya AUN Maxamed Siyaad Barre (1982)
Ayadoo lagu jiro xuska sannadguurada 48aad ee ka soo wareegtay marka uu Soomaliya ka curtay kacaanka barakeysan 21ka Oktobar 1969, Ilaah Ha U Naxariisto Madaxweynaha Soomaaliya, General Mohamed Siad Barre ma ahayn oo keli ah Halyey Qaran oo wadani ah balse wuxuu ahaa pan-Africanist, Pan-Arab iyo Internationalist.
Hobollada amaanta sida roobka ugu shubi jiray beentood ma ahayn markii ayku heesheen: ''Horta qabo Siyaad oo balmid kale ku soo dara''. Ilaa hadda ma heyno nin kale oo kabihiisa illan karay. Dalka midnimadiisa waxaa dhawacay kuwo kha'iniin ah.
Maalmihii uu Xamar ka tegay Madaxweynaha, isagoo degmada Buur-Dhuubo wareysi ku siiyay Wariye Talyaani wuxuu Jaalle Siad wuxuu afka Talyaniga ku yiri: ''In branco di Sciacalli mi hanno cacciato via da Mogadiscio per evitare di non distruggere la capitale'' oo macnaheedu yahay: ''Raxan dawoco ah ayaa iga soo saaray Muqdisho si aan u ilaaliyo in aan la burburin caasimadda''.
Anigoo ah La-Taliyaha Warfaafinta ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Nairobi, Kenya ayaan waxaan ugu geeyay xafiiskiisa ee markaas ku yiil ''Aviazione Militare'' ee Muqdisho Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Caanka ah ee maalin walba ka soo baxa Nairobi 'THE STANDARD'' Mr. George Githi. Waa ninka wejigiisu ka muuqdo dhanka bidix ee Madaxweynaha. Qiyaastu waxay ku aadanayd dabayaaqadii 1982.
Madaxweynaha wuxuu ka hadlay wanaajinta xiriirka labada dal taasoo asaas u ah, buu yiri Jaalle Siyaad, in Soomaalida Kenya ku dhaqan ayku mansab iyo maamuus ahaadaan qowmiyadaha kale ee ku dhaqan dalka Kenya.
Mar kale Ilaah ha u naxariista Madaxweynaha geeriyooday Soomaaliyana Ilaah madax wadaniyiin ah ka siiyo. Aamiin

No comments:

Post a Comment