Wednesday, October 4, 2017

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay xeerka Isgaarsiinta ee Soomaaliya

 Arbaco, Octobar, 04,  2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xeerka Isgaadhsiinta Soomaaliya oo madaxweynaha Soomaaliya saxeexay inuu dhaqangalo.
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boostadda Mustafe Faarax Abraar ayaa sheegay in xeerka Isgaadhsiinta Soomaaliya aanu khuseyn Somaliland,isla markaana xeer u gaar ah Somaliland oo isgaadhsiintu uu jiro oo hadda lagu shaqeeyo.
“Xeerkaasi ay Xamar saxeexay wax inoo yaala maaha, wax ina khuseeyana maaha waayo waxaanu nahay dal jira, waxaan ku shaqeeya xeer numbar 50 oo ah xeerka Isgaadhsiinta Somaliland, waana xeer dhaqangal ah oo madaxweynuhu saxeexay”
Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in afar maalmood uu ku maqnaa dalka Lubnaan, taas oo ujeedadda uu u tagay ahayd sidii Arrimaha isgaadhsiinta uga madax banaanaan lahayd Soomaaliya,isagoo xusay inay dhowaan soo gudbin doonaan sidii ay Soomaaliya uga madax banaansiin lahayd Furaha ay wada isticmaalaan Somaliland iyo Soomaaliy.
“Waxaan afar maalmood ku maqnaa wadanka Lubnaan, hawlaha u tagay waa sidii aan u dardargalin lahaa xeerkan iyo sida aanu uga madax banaan lahayn xeerka Soomaaliya ee Isgaadhsiinta, maalin dhowna waxaan idin soo gudbin doonaa iyadoo faahfaahin”ayuu yidhi
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment