Saturday, October 14, 2017

QARAXII UGU NAXDINTA BADNAA EE KA DHACAY MUQDISHO



QARAXII UGU NAXDINTA BADNAA EE MUQDISHO KA DHACAY!
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit "Intii dhimatay Alla Ha'unaxariisto, laakiin dadka somaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool waxaan ka dalbanaya qof walbo in uu soo gaaro meeshan oo kaalin ka qaato, gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay.
Waxaan codsaneynaa Hay'addaha amnigana waa in dariiqa lagu dhibin, cid walba oo maanta haysata baale ama cagacagaf ama dab damis waa in ay meeshan soo gaaraan, qofkasto awood leh ama dhakhtar ah meeshan ha soo gaaro.
Waxaa ka dhacay Masiibo, dad ayaa ku jira Dhisme Hoostiis Fadlan qofkasta ha nasoo gaaro"

No comments:

Post a Comment