Monday, October 30, 2017

SHACABKA SOOMAALIDA HURDADA KA KACA. DALKII LALA TAG!

W.Q. Cabdulqaadir Maxamed Walaayo
Suxufi Walaayo
Madaxa la casilay ee Hay'adda Nabadsugidda ee NISA, Abdullahi Mohamed Ali 'Sanbaloolshe' wuxuu jagooyin kala duwan ilaa heer Wasiir ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay. Inkasto aan wax badan oo hoose aqoonin, haddana markii iigu horreysay ee aan barto waxaan Sanbaloolshe ku kulanay tababarro ay qabanqaabisay UNOCHA kolkaas uu ahaa Sarkaal ka tirsan Hay'adda Gargaarka ee Qaramada Midoobay. Dadka si weyn u yaqaan waxay ku sheegaan inuu yahay shakhsi isa soo saaray ''Self made'' ah oo u sii noloshiisa u dabbaro halgan dheer u soo galay. Wuxuu ahaa nin u daacad ah hawshiisa. Aniga iyo isaga waxaan isku soo gaarnay maamulka uu hoggaminaayay RW Cumar Sharmarke markaas uu ahaa Director of PM's office. Waa shaqsi dadaal badan oo loo aamini karo hawlaha loo xilsaaray.

Ma rabo inaan ku dheeraado taariikhdiisa Sanbaloolshe laakinse waxaan qiraya inuusan mudnaynd in hawsha sirdoonka laga casilo laakinse waxaa ii muuqaneysa in indhaha shacabka xaqiiqda dembiga meel kale loo weeciyay.
Waxaa kaloo Sanbaloolshe uu eersday maqaalka uu dhowaan ku qoray Wargeyska Caanka ah ee New York Times oo Magaalada New York ka soo baxa wuxuuna ku eedaayay kuwa bah-wadaagta Soomaaliya la ah inay ka hagradeen haqab-tirka looga baahna ee dhinaca tababar iyo qalabka baarista sirdoonka iyo nabadsugidda. Wuxuu yiri: ''Waxaan la xiriirnay jaallayasheena beesha caalamka oo ay ka midka yihiin Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Ingiriiska si ay shaqaalaha Sirdoonka iyo nabadsugiida u siiyaan tababar iyo qalabka looga baahan yahay sirdoonka iyo taxliilinta macluumaadka sirta iyo dembi baarista. ''Ilaa hadda wax jawaab ah oo wax ku ool ah kama hayno'' ayuu ku calaacalay.
Xogaha muhiim ka ah iyo marqaatiga dunuubta lagu galo carriga Soomaaliya waxaa loo dhoofiya oo lagu baara dalka dibadiisa anagoo na loo diiday fursadihii aan ku heli lahayn si aan dadkeena u badbaadino muwadiniinta isla markaan gacanta ku soo dhigno dhagar-qabayaasha dambiyada ka galay dalka iyo dadka Soomaaliya.
Shaqada laga joojiyay Sanbaloolshe waxaa u sabab ahaa inuu umadda u sheego xaqiiqda jirta taasoo aaney raali ka ahayn cadawga iso soo bahaystay waxyelidda geyiga Soomaaliya.
Xukuumadaha Soomaalida soo maray KMG mid joogto ah iyo xitaa Dagaal-Oogayaasha ma jirin qof madax sheeganaya oo sir cad ka bixiyay xaqiiqda ka jirta dalka iyo gacanta ay shisheeyuhu ku walaaqayaan arrimaha gudaha Soomaaliya.
Madaxda Soomaalida qaar kood ayaa si cad u sheegaya in aaney dan iyo heelo ka lahayn jiritaanka iyo maslaxdda guud ee dalka iyo dadka.
Mid baa meel fagaare ah xishood la'aan ku dhawaaqaya si jeesjees ah: ''Soomaaliya hanoolaato. Waa tahay Soomaali Hanoolaato'' taasoo ula jeedo maxaa iiga galay oo iiga gidhiisha inay Soomaaliya dhimato.
Ilaahow khaa'nka ka qabo wadanigana u gargaar. Aamiin
Cabdullaahi Sanbolooshe

Maqaalka Sanbaloolshe oo uu ku qoray Wargeyska New York Times bartan guji oo ka aqri isagoo dhameystiran:




Opinion | OP-ED CONTRIBUTOR

Somalia Doesn’t Need Tears. Help Us Fight Terrorism.

By ABDILLAHI MOHAMED SANBALOOSHEOCT. 26, 2017





No comments:

Post a Comment