Friday, September 22, 2017

Shir degdeg ah oo magaalada Cadaado uga socda Wasiirada maamulka Galmudug



0
Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in shir degdeg ah uu iminka magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug uga socdo Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.
Wararku waxa ay sheegayaan in shirka degdega ah uu ka horeeyay shirar gaargaar ah oo ay wada qaaten Wasiira kaa oo ku saleysan Khilaafka xoogan ee u dhexeeya Hogaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa ee ku aadan arrinta Khaliijka.
Mid kamid ah Wasiirada qeybta ka ah kulanka ayaa xaqiijiyay in shirka degdega ah uu la xiriiro Khilaafka Hogaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa, waxa uuna arrin khalad ah ku tilmaamay in Hogaamiyaha maamulka uu meel uga dhacay sharciga isla markaana go’aan qaatay kaligii.
Wasiirada uu shirka u dhexeeyo ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsameen arrinta Khilaafka Khaliijka iyo go’aanka ay ka qaadatay dowlada Somalia.
Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa dhinacooda la sheegay in ay abaabulayaan kulamo kale oo looga soo horjeedo Hogaamiye Xaaf bacdamaa uu durbo lid ku noqday dowlada Somalia.
Ma cadda waxa kasoo bixi doona shirka degdega ah ee hadda magaalada Cadaado uga socda Wasiirada maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com

Thursday, September 21, 2017

Qarracan: Waa ilmo looga tagay haweeney shaqaala ah iyo ficillada argagaxa leh ee ay ku dhaqmeyso

Muuqaal aad looga argagaxo ayaa baraha bulshada lagu baahiyay, kaasoo caddeyn ahaan maxkamad ku taal dalka Namibia loo horkeenay, kadib markii haweeney looga tegay inay xannaaneyso ilmo yar oo sagaal bil jir ah ay ula dhaqantay si bini’aadanimo ka bax ah.
Aabaha dhalay ilmahan yar ayaa kaamirada ugu xiray qolka, waxaana maalintii koowaad lagu arkay iyadoo inta garbaha ka qabato ku tuureysa sariir yar, kadibna ay gabadha yar ka dhex baxayso sariirta iyadoo ooyneysa, kadibna inta usoo noqoto ayey labada lug kasoo qabaneysa inantii yareyd oo barooraneysa.
Maxkamadda la horgeeyay muuqaalkaan ayaa amartay in xabsiga lagu sii haayo haweeneydaan oo lagu magacaabo nanny inta xukun rasmi ah laga gaarayo.
Illmaha yar ee ay sidaan ula dhaqantay ayaa dhalay hooyo iyo aabo caddaan ah, kuwaasi oo marna aan shaki ka gelin in ilmahooda sedaan ula dhaqmeyso Nanny laakiin hooyada dhashay aabaha ilmaha yar ayaa codsatay in la hubiyo hab dhaqanka shaqaalaha.
Dhibaatadaan ayey leedahay in caruurta yaryar looga tago shaqaale sidey doonaan ula dhaqmo, ilmaha yaryar ee aan hadli karin oo waalidkood u sheegi karin wixii lagu sameeyay.
Xafiiska WarfaafiyeMuqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo khudba muhiim ah ka jeediyay Beletweyne

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo khudba muhiim ah ka jeediyay Beletweyne

Warbixin iyo Sawirro soo dhaweyntii madaxweynaha Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacay oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay.
Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta madaxweynaha .
Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo galleen magaalada Salaan ugu tagay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka  Soomaaliyeed.
Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ayuu madaxweynuhu kula hadlay qeybihii bulshada ee soo dhaweyntiisa ka qeybgashay.
Waare ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo guud ahaanba deegaannada maamulka Hirshabeelle  in ay la xisaatamaan maamulka, isaga oo balanqaaday in mudo kooban uu wax uga qabanayo xaaladaha kala duwan ee gobolka ka jira.
Safarka madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tagay magaalada Beledweyne ayaa dhinaca kale xambaarsan sidii uu kulamo ula qaadan lahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isaga oo kala hadli doona wada shaqeyn dhaxmarta qeybaha bulshada gobolka Hiiraan iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay ee Hirshabeelle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo u digtay maamul-goboleedayda






Dowladda Federaalka ah ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda dhex-dhexaadnimada ah ee ku aadan xiisadda Khaliijka iyada oo sidoo kale maamul goboleedyada xusuusisay in Villa Somalia looga dambeeyo siyaasadda arrimaha dibadda sida dastuurka federaalka ah ku qoran.
Ku-celinta xukuumadda Soomaaliya ee go’aankeeda dhex-dhexaadnimada ah ee Xiisadda Khaliijka, keliya ma aha fariin ku socota maamul goboleedyada ee waa caddeynta in qarankan Soomaaliyeed uu leeyahay go’aan madax-bannaan oo ay dowladda iyo shacabkaba ku mideysan yihiin.
Soomaaliya waxaa ay 10 sano taageeri jirtay dalka Masar kadib markii shirkii Baqdaad ay dalal carbeed oo ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ugu horeeyaan go’aamiyeen in xiriirka loo jaro dalka Masar, Carabta waxaa ay Qaahira ku ciqaabayeen xilligaas heshiiska ay la gashay Isra’il ee Camp David.
Go’aankaasi Carabta kadib, xarunta jaamacadda carabta waxaa laga raray Qaahira, in Masar la go’doomiyo waxaa iska diiday dalalka Soomaaliya, Cammaan iyo Suudaan, Muqdisho xilligaas waxaa ay ka soo baxday dagaalkii 77, waxaa ayna aad ugu baahneed taageerada dhaqaale ee Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay xarakada loo yaqaano “The Non-Aligned Movement (NAM” oo aan meelna la jirin, waxaa ay Muqdisho ka qeyb-gashay 1961-kii shirkii ka dhacay Belgrade.
Go’aanka Dowladda Federaalka ah: Qoraal ay maanta soo saartay xukuumadda federaalka ah, waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay door dhex-dhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.
Isla qoraalkaas waxaa lagu muujiyay in dowladda federaalka ah ay mar walbo joogteyso la shaqeynta iyo la tashiga dowlad goboleedyada taasi oo ka soo horjeedda qoraallada ay soo saareen maamullada.
Qodobka ay dowladda federaalka ku dooday waa qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo dhigaya in Dowlada Federaalka oo kaliya ay awood u leedahay  go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.
Waxaa kale oo maamul goboleedyada la xusuusiyay in Soomaaliya ay taariikh u leedahay arrimaha noocan ah,  Soomaaliya waxaa ay diiday in ay xiriirka u jarto Masar kadib markii carabta kale sidaa sameeyeen wixii ka dambeeyay heshiiskii Masar iyo Isra’il Camp David September 17, 1978, 10 sano kadib markii Carabta heshiisyeen oo xarunta Jaamacadda Carabta lagu soo celiyay  magaalada Qaahira waxaa loo mahadceliyay Soomaaliya.
Ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Michael Keating oo ka hor hadlay golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa muujiyay shakiga maamul goboleedyada ee xiisadda Khaliijka isaga oo yiri  “Dowladda federaalka ah ayaa qaadatay mowqif dhex-dhexaadnimo ah iyada oo taageero badan hesho, arrintaas waxaa ka horyimid maamullada qaar”.
Maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa todobaad gudahiisa la saftay xulafada dalka Sacuudiga, waxaa ka sii horeeyay Somaliland iyo Puntland, maamulladan waxaa ay sheegayaan in dano diin iyo mid dhaqan-dhaqaale uu kala dhaxeeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka!!
Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee February  kadib, dalka Imaaraadka waxaa uu heshiisyo ganacsi iyo mid militari la galay Somaliland iyo Puntland, maamulka hore waxaa uu kula heshiiyay in dekadda Berbera lagu wareejiyo shirkadda DP World halka saldhig militari loo siiyay dal ahaan si ay u isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaa kale oo Puntland ay DP World ku wareejisay dekadda Boosaaso, Labada heshiis waxaa ansixiyay baarlamaannada labada maamul, waxaa kale oo la yaab leh maamul goboleedyada kale sababta ay u qeylinayaan.
Dr. Axmed Cali Khayre iyo AVV Cabdulahi  Faarax Qaarey  oo horay Goobjoog  News ula hadlay ayaa sharci-darro ku tilmaamay heshiisyada lala galay Imaaraadka.
Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaa ay ka shaqeynayaan iska horkeenista dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada marka la fiiriyo cadaadiskooda wixii ka dambeeyay go’doominta Qatar iyo xitaa xilliga ay Imaaraadka heshiiska la galeen Somaliland iyo Puntland.
Dowladda federaalka ah waxaa iyada oo ilaalineysa madaxbannaanida iyo qaranimada, iyada oo ka hortageysa faragelinta shishiiye ee arrimaha Soomaaliya waxaa laga sugayaa in ay la hadasho safiirrada shishiiye ee qaska ka wado gudaha Soomaaliya iyo isla markaana iska horkeenaya dowladda iyo maamulladeeda, sidaasi waxaa ku taliyay sharci-yaqaanno.
Goobjoog News

HRW oo ka hadashay markii ugu horeysay arrinta Qalbi Dhagax

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Hay'adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka Bariga Afrika.
Hay'adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah.
Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal Reer Galbeed ah.
Dadkaasi waxaa ku jiray nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan oo dhalashada Norway haystay.
Sidoo kale hay'adda ayaa xustay Cabdikarim Sheekh Muse oo loo garanayay Qalbi Dhagax oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.
Cabdikarim wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF, wuxuuna dhowr sano ku noolaa magaalada Muqdisho.
Hay'adda difaacdo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qortay in Somaliland dhankeeda ay qaxooti ku qasabtay in ay Itoobiya ku noqdaan.
"Sideed ka mid ah dadkii noqday ayaa lagu jirdilay gudaha Itoobiya", sida HRW ay sheegtay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Qalbi Dhagax ku eedeysay in uu argagixiso taageerayay, sidaa darteedna "Amniga uu halis ku ahaa".
Xuquuqda Warkan : BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Xuquuqda Warkan : BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Sunday, September 17, 2017