Thursday, September 21, 2017

Qarracan: Waa ilmo looga tagay haweeney shaqaala ah iyo ficillada argagaxa leh ee ay ku dhaqmeyso

Muuqaal aad looga argagaxo ayaa baraha bulshada lagu baahiyay, kaasoo caddeyn ahaan maxkamad ku taal dalka Namibia loo horkeenay, kadib markii haweeney looga tegay inay xannaaneyso ilmo yar oo sagaal bil jir ah ay ula dhaqantay si bini’aadanimo ka bax ah.
Aabaha dhalay ilmahan yar ayaa kaamirada ugu xiray qolka, waxaana maalintii koowaad lagu arkay iyadoo inta garbaha ka qabato ku tuureysa sariir yar, kadibna ay gabadha yar ka dhex baxayso sariirta iyadoo ooyneysa, kadibna inta usoo noqoto ayey labada lug kasoo qabaneysa inantii yareyd oo barooraneysa.
Maxkamadda la horgeeyay muuqaalkaan ayaa amartay in xabsiga lagu sii haayo haweeneydaan oo lagu magacaabo nanny inta xukun rasmi ah laga gaarayo.
Illmaha yar ee ay sidaan ula dhaqantay ayaa dhalay hooyo iyo aabo caddaan ah, kuwaasi oo marna aan shaki ka gelin in ilmahooda sedaan ula dhaqmeyso Nanny laakiin hooyada dhashay aabaha ilmaha yar ayaa codsatay in la hubiyo hab dhaqanka shaqaalaha.
Dhibaatadaan ayey leedahay in caruurta yaryar looga tago shaqaale sidey doonaan ula dhaqmo, ilmaha yaryar ee aan hadli karin oo waalidkood u sheegi karin wixii lagu sameeyay.
Xafiiska WarfaafiyeMuqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

No comments:

Post a Comment