Wednesday, September 13, 2017

Maxaa xilka looga qaaday Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland Bashiir Gurxan?

Posted on September 13, 2017 RBCWararka

Garoowe (RBC Radio) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cadixakiin Xaaji Cabdullahi, wuxuu goor dhow xilkii ka qaaday wasiiru dowlihii madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland,Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan,sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday madaxtooyadda.
Xilka qaadista, waxaa sabab looga dhigay mas’uuliyad darro uu ku cay wasiiru dowlaha,laakin sida la fahansan-yahay xilka qaadista waxa ugu weyn ee sabab looga dhigi karo waxay tahay wareysi uu bixiyay wasiiru dowlaha oo marka soo dhaweeyay go’aanka ay dowladda federaalka ugu dhiibtay Itoobiya,Cabdikariin Qalbidhagax oo saraakiisha ONLF ka tirsanaa.

Wasiiru dowladaha wuxuu go’aanka taageerray,iyadoo dowladda aysan soo bandhigin mowqifkeedda.

Hoos ka akhriso wareegtada wasiiru dowlaha xilka looga qaaday

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19  September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay:                  Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay:                  Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.
Markuu Garawsaday:     Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

Wuxuu  Xeeriyey:
- Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
- Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

    No comments:

    Post a Comment