Wednesday, September 13, 2017

Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo qoraal kasoo saaray 3 weerar oo hal mar ay ka fuliyeen Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ”AFRICOM” ayaa soo saaray qoraal ay ku bayaaninayaan weeraro is xigxigay oo ay ka fuliyeen Somalia.
Taliska ayaa sheegay in weeraradaasi oo ahaa 3 weerar ay ku qaaden Saldhigyo ay lahaayen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Weerarada oo ahaa kuwo ay fuliyeen ciidanka AFRICOM ayaa waxa uu bartilmaameedkiisu ahaa Saldhigyo muhiim ah.
Weerarada ayaa la sheegay in ciidamadu ay fuliyeen qiyaastii 2:15 saqdii dhexe ee xalay, halkaasina lagu dilay 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.
Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay meel 260-KM koonfur ka xigta magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in ciidanka Maraykanka uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed, ugana adkaadaan Al-shabaab.

No comments:

Post a Comment