Friday, September 15, 2017

Aas wadareed loo sameeyay dadkii lagu xasuuqay deegaanka Hawaday oo u dhow magaalada Harar

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imanaya magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas aas wadareed loogu sameeyay illaa 28 qof oo la sheegay in lagu laayay deegaanka Hawaday ee u dhow magaalada Harar. Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal uu halkaas ka jeediyay dilka ku eedeeyey ismaamulka Oromiya ee dariska la ah, balse waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ee Oromada aysan wax eed ah lahayn, qaarkoodna ay badbaadiyeen dad Soomaali ah oo la baacsanayay.
Maamulka ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo murugoonayo dadka la laalayay.
Dadka lafahooda lasoo baxsaday waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Ciise oo isaga oo ku sugan magaalada Jig Jiga u waramay BBC-da, wuxuuna yiri “anaga oo aanan waxbo iska jireynin ayaa waxaa nasoo weeraray ciidamada booliiska Oromada iyo dhalinyaro faashash ku hubeysan, inankii oo markaas suuliga aaday ayay ku dageen, inagiina markaan aragnay waxa dhacaya aqalka xagga dambe ayaan ka baxnay, waxaana nasoo badbaadiyay ciidammada militariga “.
Ninkan oo sheegay in walaalkiis la dilay, ayaa sidoo kale qiray in isaga indhihiisa uu ku arkay maydadka illaa 50 qof oo Soomaali ah.
Waxa uu intaas ku daray in magaalada Hawaday ee dhibku ka dhacay uu arrimo ganacsi u joogay muddo 20 sanno ah, islamarkaasina uusan dib ugu laaban doonin ebed.
Dhanka kale afhayeen u hadlay ismaamulka Oromiya oo lagu magacaabo Adisu Arega ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay dhanyihiin 18 qof, kuwaas oo uu sheegay in 12 oo kaliya ay Soomaali yihiin, halka 6-da kale ay Oromo yihiin.
Wuxuu sheegay in rabshadaha ay biloowdeen kadib markii ciidamada Liyuuga ee Ismaamulka Soomaalida ay afduubteen saraakiil ka tirsan maamulka Oromiya oo markii dambe la dilay. Eedeytaasi waxaa diiday dowlad deegaanka Soomaalida.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xitaa ciidamada militariga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dilalka ka dhacaya ismaamulka Oromada, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga sida ay sheegashadaasi suurtogal ku noqon karto.
Dowladda dhexe federaalka Itoobiya ayaanan wali wax hadal ah kasoo saarin dhacdooyinkan.
Magaalada Harar waxaa la’isugu geeyay dad badan oo Oromo ah oo laga soo daadgureeyay deegaanka Soomaalida cabsi laga qabo in xiisadda ay saamayso.
Rabshadaha dhacay waxa ay xitaa saamayn ku yeesheen dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyada oo qaadkii laga qaadi jiray deegaanada Oromada ee tagi jiray illaa Soomaaliya ay gabi ahaanba joogsadeen.
Dad kasoo

jeeda qowmiyadda Oromada oo ku nool dalka Maraykanka ayaa BBC u sheegay in ay aad uga xunyihiin waxa dhacay, iyaga oo ku baaqay in la qaboojiyo rabshadaha.

No comments:

Post a Comment