Thursday, September 14, 2017

SAWIRRO: Xiddigo Caan Ah Oo Qaaraan U Aruuriyay Shacabka Mareykanka Ee….

Qaar ka mida xiddigaha ugu caansan dalkan Maraykanka ee isugu jira fannaaniinta iyo jilayaasha ayaa xalay qabtay kulan ballaadhan oo ay lacag ugu ururinayeen dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay duufaantii Harvey iyo Irma.
Stevie Wonder oo ah heesaa caana, ayaa furay bandhigga, waxaana kala qayb galay xiddigaha ay ka mid yihiin Tom Hanks, Leonardo DiCaprio, George Clooney, Jamie Foxx, Oprah Winfrey, DJ Khaled , Justin Bieber, Diddy and Kerry Washington, Selena Gomez, Will Smith, Kate Hudson iyo xubno kale, waxayna ka jawaabayeen telefoonada ay soo diraan daawadayaasha doonaya inay bandhiga ka qayb galaan isla markaana ku deeqaan lacago.
Illaa toban telefiishan oo Maraykan ah ayaa baahinayey bandhiggan oo soconayey mudo labo saac ku dhow.
Saacadii ugu horeysay ee waxaa dadkii taleefanada soo wacayay ay bixiyeen in ka badan $14million oo dollar. 
Xafiiska WarfaafiyeMuqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

No comments:

Post a Comment