Saturday, September 16, 2017

Ahlu Sunna oo xabsiga dhigtay 7 Oday oo si qarsoodi ah ula kulmay Al-Shabaab

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Ururka Ahlu suna ee Gobolada Dhexe ayaa magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ku xiray Odayaal dhaqameed lagu eedeeyay iney degmada Ceelbuur kula soo kulmeen Al-Shabaab.
Odayaasha la xiray oo gaaraya ku dhawaad 7-Oday dhaqameed ayaa la sheegay in si qarsoodi ah Al-Shabaab kulan ugala soo qaateen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud,waxayna hadda ku xiran yihiin xabsi ku yaalo magaalada Dhuusa-mareeb.
Odayaasha la xiray ayaa waxay ka soo jeedaan degmada Guriceel ee Gobolkaasi,halkaasi oo ay ka taliso Ururka Ahlu suna Waljameeca.
Xiisad ka dhalatay xariga Odayaasha ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusa-mareeb,waxaana si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha sida rasmiga ah ee Al-Shabaab iyo Odayaasha dhaqanka Guraceel ay ka soo wada hadleen.
Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan saameyn ku leh deegaanada kale ee gacantooda ka maqan iyagoo ka sameysta waxay doonaan.

No comments:

Post a Comment