Sunday, September 24, 2017

Madaxweyne Xaaf’’ dowladda Soomaaliya shan sacadood ayeey igu xayirtay garoonka magaalada Hargeysa

Axad, September, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in shan saacadood ku xayirtay magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Xaaf oo ka soo dhoofay dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa ka degay magaalada Hargeysa, isaga oo ka weecday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. 
‘’Saakay 6:00 Aroornimo ayaan imid magaalada Hargeysa shan saacadood oo xiriir ah ayaa leygu xayiray garoonka diyaaradaha Hargeysa oo dowladda federaalka iga celisay diyaaradii aan soo kireystay oo wax kasta lagu gorgoriyay’’ ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay go’aanka uu ka qaatay madaxweynaha Galmudug khilaafka wadamada Carabta ayaa u muuqata mid cirka isku sii shareertay, kaddib markii mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka qaarkood ka soo horjeesteen go’aankaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment