Friday, September 8, 2017

Degmadda Waaberi oo caawa ku guuleysatay tartanka kubadda-cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir 2017

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Kooxda kubadda-cagta ee degmadda Waaberi ayaa caawa si xaraga leh ugu guuleysatay tartanka kubadda-cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadka 2017, kaddib makii 3-0 ay kaga adkaadeen kooxda kubadda-cagta ee degmadda Hodan.
Laacibka kooxda Waaberi ee lagu magacaabo Muxudiin, ayaa si weyn uga dhex-muuqday ciyaarta, waxaana qeybtii hore ee kulanka uu dhaliyay labo kamid ah goolashii ay kooxdiisu ku adkaadeen.
Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa, halka Hodan  ay soo garaacday Kaaraan.
Magaalladda Muqdisho xili habeen ah kubad-cag oo heerkan oo kale in lagu ciyaaro waxaa ugu dambeysay 30-sano ka hor, sida xiriirka kubadda-cagta uu sheegay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, guddoomiyaasha labada degmo ee caawa ciyaareysay, mas’uuliyiinta xiriirka kubadda-cagta Soomaaliya iyo dad ku dhow hal million oo qof, ayaa daawaneysay, kulankii caawa oo ahaa mid si xamaasad leh ku bilowday.
Xiriirka kubadda-cagta adduunka ee FIFA, ayaa boggaadiyay hormarka Soomaaliya ka jira, ee dhinaca ciyaaraha.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia

No comments:

Post a Comment