Saturday, September 30, 2017

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la sheegay in xilka laga qaaday

Sabti, September, 30,2017 (HOL) -- Xiisada siyaasadeed ee Galmudug ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay kaddib markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo kulan ku yeeshay Cadaado sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.
Kulan Xildhibaanada caawa ku yeesheen madaxtooyada Cadaado ayaa waxay ku sheegeen inay xilalka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Xaashi Carabey.
Xildhibaanada xilka ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tiradooda lagu sheegay 52 Xildhibaan, halka madaxweyne ku-xigeenka la sheegay Isagana in ay xilka ka qaadeen 49 Xildhibaan , labo xildhibaan ka aamustay, 1 xildhibaan uu diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed
Arrintan ayaa u muuqata mid uga sii dareysa khilaafkii siyaasadeed ee markii horeba ka jiray Galmudug,  madaama horay sidan oo kale xildhibaanno ugu shiray Cadaado ku dhawaaqeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf.
Xildhibaannada xilka ka qaaday madaxweynaha ayaa maanta uga dhawaaqay Cadaado guddi sida ay sheegeen ka soo shaqeyn doona doorashada madaxweynaha Galmudug.
Go’aamada ka soo baxay labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa u muuqda kuwo meesha ka saaraya gabi ahaanba jiritaanka maamulka Galmudug oo dhinac walba uu sheeganayo in uu xilka ka qaaday mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment