Wednesday, September 27, 2017

Mid kamid ah kalluunka ay Somalia caanka ku tahay oo ka soo caariyay Garacad iyo Maraakibta Jariifka oo dhaawac gaarsiiyay

Arbaco, September, 27, 2017 (HOL) –Xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo caariyay kalluun dheererkiisu yahay 10 mitir , isla markaana balaciisu uu gaarayo 4 mitir ,kaasi oo ay Soomaalidu u taqaano 'Muumin Saleebaan'.
Kalluunkan waxaa ka muuqday jirkiisa dhaawacyo la sheegay in ay gaarsiiyeen kaluumaysato ajaanib ah oo si sharci darro ah ku jooga xeebaha Somalia ,waxaana kuluunkan oo ay yartahay in la arko xaalad-diisa ka dayriyay dad ku sugan degmada.
"Dadka bad-da aadka u yaqiin magaciisa waxa ay ku sheegeen 'Muumin Saleebaan' waa bahal aan caado u lahayn in uu soo caariyo ,wax dhibaato ah-na dadka uma gaysto , dadka qaarna waxa ay leeyihiin waxa uu bad-baadiya dadka bad-da ku qaraqsama " ayuu yiri gudoomiyaha degmada Garacad C/laahi Jaamac Xirsi oo warbaahinta la hadlay.
"Waxaa dilay maraakiibta ajnabiga ah ,waxaa kaloo jira oo maraakiibtaas ay gaystaan ,tan koowaad qalabka bad-da la dhigo waa ay qaataan ,noolahana sida baahalkaas oo kale bey u laayaan arinta kale oo ay sameeyaan waxa ay tahay jariif bey bad-da dhigtaan goorta ay Markabka dul geeyaan-na xawayaanka inta ay uga baahan-yihin bey kala baxaan inta kalena waa ay soo daadiyaan " ayuu mar kale yiri gudoomiyaha.

Markaabiita jariifka ayaa sidoo kale la sheegay in ay bur-buriyaan goobaha gabaadka u ah xayawaanka sida Aargoosatada , qubada iyo khayraadka kale ee muhiimka u ah umad-da Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Maraakiibta Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaliya ayaa sheegay in aysan ogolaansho u haysan in ay la dagaalamaan Maraakiibta Jariifka ,isla markaana kaliya ay shaqadooda tahay sidii kooxaha burcad- badeedka ah looga sifayn lahaa xeebaha Somalia. 
Faysal M. Hassan 
Boston@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment