Thursday, September 14, 2017

Oromada ku nool Hargeysa oo cabsi la dhuumanaaya & Booliska Somaliland oo toogasho geystay



0
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in halkaa ay baxsad ka yihiin muwaadiniinta Ethiopian-ka ee ku nool deegaanada maamulka.
Wararku waxa ay sheegayaan in muwaadiniinta ugu badan ee dhuumashada ku jira ay yihiin kuwa kasoo jeeda Qowmiyada Oromada oo iyagu dad Soomaali ah laayay.
Cabsida soo foodsaartay Oromada ku nool magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ayaa waxa ay soo daahirtay kadib markii dad badan oo Soomaali ah oo qaadka ka ganacsan jiray lagu dilay Magaalooyinka ay dagaan dadka Oromada ee dalka Ethiopia.
Dilka Soomaalidaan ayaa keentay inuu hakad ku yimaado qaadkii sida maalinlaha ah loo gayn jiray Magaalooyinka Somaliland.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xaalad cabsi ah ay soo food saartay Oromada oo ka cabsi qaba in la dilo.
Ciidamada maamulka ayaa toogasho ku dilay laba ruux oo Oromo ah, kuwaa oo dilkooda uu ka dhacay Koontaroolka Caabudla’a ee Galbeedka Somaliland.
Labadan ruux ayaa isku dayey inay cararaan, balse ciidamadii joogay Koontaroolka ay rasaas la dhaceen.
Soomaalida lagu dilay dhulka Oromada ayaa tirro ahaan dhan 30 ruux oo Soomaali ah, kadib markii ay beegsadeen dadka Oromada.
Geesta kale, dowlada Ethiopia ayaan weli ka hadal dilka Soomaalidaasi, waxa ayna tani xasarad ka dhex abuuri doontaa Ethiopia iyo Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

No comments:

Post a Comment