Saturday, September 23, 2017

Axmed Madobe oo caro kala dul dhacay saraakiisha amniga kadib markii…




Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay kulan khaas ah oo looga hadlaayay arrimaha Amniga iyo Dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Wararku waxa ay sheegayaan in kulanka uu ahaa mid uu qabtay Hogaamiyaha maamulka, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.
Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe ayaa si guud uga hadlay waxyaabaha uu kusoo arkay deegaano dhowr ah oo uu booqday iyo sida ay u yaalan difaacyada ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka.
Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay jiraan dhaliilo iyo amaan dhowr ah oo uu u jeedinaayo Saraakiisha Amaanka waxa uuna cadeeyay inay jiraan habacsanaan ka muuqata dhufeysyada iyo deegaanada qaar.
”Waxaa jira habacsanaan dhanka amaanka ah waxaan dhaliishaasi u jeedinayaa Saraakiisha amniga oo mas’uul ka ah amniga dhammaan deegaanada maamulka, cadowgu waxa uu ka faa’iideystaa daldaloolada waa inaan ogaanaa dhibta ka dhalankarta in la dayaco dhufeysyada qaar”
Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dhaliilaha uu jeedinaayo uu kula xisaabtami doono Saraakiisha ku qoran dhufeysyada ay ka taagan tahay dhaliisha.
Axmed Madoobe waxa uu shaki galiyay in ciidamada qaar ay ku sugan yihiin difaacyada loogu tallo galay, waxa uuna taa u sababeeyay weerarada joogtada ah oo ay Shabaabku ku qaadayaan xarumaha maamulka.
Waxa uu Madoobe cadeeyay in weeraradii ugu danbeeyay ee Shabaabku ku qaadayeen Xarumaha ciidamada maamulka ay ku imaadeen habacsanaan dhanka amaanka iyo dayacnaan ka jirtay difaacyada ciidamada ee ku yaalla goobaha la weeraray.
Waxa uu sidoo kale, sheegay inay sameynayaan baaritaano la xiriira cida Alshabaab u sahashay inay weerar ku qabsadaan Xarumo ciidan.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sameeyay guddi hoosaadyo isaga u gaar ah kuwaa oo si hoose u baaraaya dhowr Sargaal oo lagu tuhmaayo in maleeshiyaadka Alshabaab ay ka caawiyeen weeraradii ugu danbeeyay.
Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Hogaamiyaha maamulka Jubbaland uu booqasho ku gaaray deegaano dhowr ah oo ay ka dhacaan dagaalo soo noqnoqday.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

No comments:

Post a Comment