Wednesday, September 27, 2017

Thaabit oo xafiiskiisa ku Qaabilay Dhallinyaradii laheyd gaarigii ay Shalay AMISOM ku Bur-buriyeen KM4

Arbaco, September, 27, 2017 (HOL) –Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqu Muqdisho Thaabit Cabdi ayaa la kulmay Dhalinyaro iska laheyd gaari shalay isgoyska km4 ay ku burburiyeen ciidamada  Amisom.

Gudoomiye Taabid ayaa yiri" Alxamdulilah Hadaa nabad qabtaan waxana idin balan qadayaa in aad dhawaan heli dontaan cadaalad" Guddoomiyaha ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraalkaan:

" Waxaan la kullanay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom. Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaan"

Dhalinyarada iska leheyd gaari ay sida gar darada ah u jireen ciidamada Amisom ayaa uga Mahad celiyay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir sida geesinimada leh uu har & habeen u garab tagaan yahay bulshada Gobalka.

Kulanka uu Thaabit la yeeshay dhallinyaradaan ayaa imaanayo kadib markii uu Shalay Guddoomiyaha sheegay inuusan raali ka aheyn kana noqon doonin in la dhibaateeyo shacabka Muqdisho. 

Mustafe Hussien 
Mustafa@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment