Friday, September 15, 2017

Al-shabaab oo Qaraxyo iyo dagaal toosa ku galay Xero ay ciidamada DF ku leeyihiin Magaalada Garbahaarey

0
Kismaayo (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ismiidaamin iyo mid toosa ku galay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu dhuftay afaafka hore ee xerada Ciidamada Dowladda Somalia ay ku leeyihiin dhanka koonfureed ee magaalada.
Weerarka ismiidaaminta kadib maleeshiyaad hubeysnaa oo ku diyaarsanaa goobta ayaa gidaarada uga daatay Xerada kuwaa oo dagaal fool ka fool ah ku qaaday ciidamadii ku sugnaa xerada.
Gudaha xerada ayaa waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo hubka waaweyn la’isku adeegsaday, kadib markii Al-shabaabka xerada galay ay aad u farabadnaayen.
Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah kuwa AMISOM oo garab siinaayaya ciidamada dowlada ayaa hubka waaweyn ku garaacaan goobaha ay xerada ka galeen Al-shabaab iyo baraha ay ka dagaalamayeen.
Qadar yar kadib ayaa waxaa lasoo sheegayaa in halkaa uu ka dhacay Qarax labaad oo loo adeegsaday ismiidaamin kaa oo lagu qalqal galinaayay ciidamada dagaalka kula jiray Al-shabaab.
Qaraxyada iyo dagaalka lagu qaaday xerada Ciidamada Dowladda Somaliya ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Garbahaarey ayaa baqdin ku abuurtay dadka deegaanka kuwaa oo qaarkood bilaabay in ay guryaha ka cararan.
Dadka Shacabka ah ayaa waxa uu dagaalku qabsaday iyagoo intoodu badan guryahooda ku xareysan, isla markaana hurda.
Xaaladda magaalada ayaa Saaka ah mid kacsan waxaana lasoo sheegayaa inaanu jirin isku socod iyo dhaqdhaqaaq toona oo ay sameynayaan dadka magaalada.
Lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxyada iyo dagaalka lagu qaaday xerada Ciidamada Dowladda Somaliya ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Garbahaarey.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

No comments:

Post a Comment